Ciidamada gumeystaha Ethiopia oo bilaabay in ay si hoose u gumaadaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqisho.

Fuck Ethiopian troops

Ciidanka Gumeystaha

Halkaan ka akhri

Ciidamada gumeystaha Ethiopia oo baryahan dagaal culus la galay Ciidamada Muqaawamada ka soo horjeeda joogitaankooda ayaa haatan waxay bilaabeen in ay si hoose u gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed, kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay labo xarumood oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia hortooda lagu arkay maydadka dad ay dileen si fool xunna jirkooda u jar jareen.

Maalintii doraad ahayd ayaa saddex qof oo uu ku jiray mid ka mid ah shaqaalaha Horn Afrik oo ay ciidamada Ethiopia qabteen in meydkooda la soo dhigay xarunta Warshaddii Ifka Xalan, iyadoo taas ay si aad ah uga walwaleen Shacabka Soomaaliyeed, ayaa haddana shalay subax ciidamada gumeystaha Ethiopia ee degan xerada Maslax waxay labo qof maydkooda soo dhigeen meel aan sidaasi uga fogeyn xeradooda, waxaana la sheegay in dadkaasi ahaayeen kuwo safar ah oo ka yimid Magaalada Jowhar.

Arrintaani ayaa waxaa si weyn walaac uga muujiyey Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha iyo dhamaan Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho kuna tilmaamay mid ka baxsan Bini’aadannimada, sidoo kale waxaa cambaareeyey Odoyaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in ay taasi keeni karto kacdoon kii ugu xumaa.

Ciidamad gumeystaha Ethiopia oo aan maalmahan ka soo bixin xeryahooda ayay dadka waxa ay u dheg taagayaan waxa dhici doona, maalmaha soo socda, iyadoo Shacab badani ay ka bara kaceen guryahooda, sidoo kale ciidamo fara badan oo Ethiopian ah ayaa ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kooxaha kacdoonka kawada iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagana isku diyaarinaya dhibta ka imaan karta iyo sidii ay isaga difaaci lahaayeen Cadowga kusoo duulay ee xasuuqa ba´an ku haya.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: