Cabdi Bile Cabdi
Halkaan ka akhri
                                 Â
                                             Â
    Ummadaha Aduunka Raxmaanku ku abuuray waxeey leeyihiin
Shakhsiyaad magaca iyo maqaam sare ka gaaray qeybaha kala
Duwaan ee Noloosha, halyeeyo Taariikhda Dalkoodda ka galay
Bogag Dahab ah,goobaha tartamaha Caalamiga ah ka hooyeey
Guulo waaweyn hadii eey noqon lahaayeen dhinacyada:-
-Aqoonta Cilmiyeed(Diineed ama mida Dunawigga ahba).
-Tartamadda dhanka Fanka Iyo Sugaanta.
-Kulamadda Ciyaaraha Caalami ah, korna u qaaday Astaanta
Dalkooda(Calanka Qaaliga ah)loona garacay Astaanta Musikada
Qaran, hadaba qormadan waxeey ku saabsan tahay-Xidiga caanka
Hormoodka Ciyaaraha Somaliyeed, Halyeeyga Taariikha Anqaasta
Dahabka ah ku xardheen Magaciisa:-Halyeey-Bilad Dahable:-
CABDI BILLE CABDI Oradyahanka 1.500 Miter.
Cabdi Bille waa Oradyahankii Koowaad oo Somaaliyeed Bilad dahab ah ku guuleeysta Tartan Heer Caalami ah,kadib markii uu Horyaalkii oradkii aduunka 1987-kii Kulankii ka dhacay Magaaladda Rome oo eey ka soo Qeyb galeen Xidigihii xiligaas ugu caansanaaMasaafada 1.500 Miter ayaa Halyeey Cabdi Bille ka dhigay Wacdaro waaweyn oo lama filaan ah, Markii wuu si xarago ah ug guuleeysay 1-aad kuna hantay Biladii Guusha, kor u qaaday Calanka qaaliga ah ee Buluuga Xidigta shanta dhexda ku leh,,halkaasna looga Garaacau Astaantii muusikada Qarankeena-Sharaf iyo maamuus Heer Caalami ahna gaarsiiyeey Magaca Dalkeena hooyo.
   Halyeey-Cabdi wuxuu isla asbuucaasna wuxuu ku haantay
Guushiisii labaad kadib markii wuu Tartankii Brusless ku
Qaaday Kaalintii Koowaad, afkana ciidada u daray xidigihii
ugu magaca weynaa aduunka, taasoo la yaab ku noqotay bahda
Oradka dheer, Cabdi-na Xabadka loo suray Biladiisii labaad
oo dahabka aheyd, Taariikhda Ispoortiga Somaaliyeed wuxuu
ku dhigay diiwaanka caalamka iyo liiska biladaha, Yarantii
Cabdi wuxuu ku soo barbaaray Degaamada Gobol Sool, kadibna
u soo gudbeey Caasimada Qaranka Muqdisho wuuna ka sii waday
Waxbarashadiisii iyo Howlihiisi Ispoortiga(Kubadda Cagta
ayuu aad u Jeclaa)laakiin Oradadda ayaa jiiteey, waxaana ku
amaanaan Tababrayaashii Xiriirka Somaaliyeed ee Ciyaaraha
Fuduud, Xoghayihii, Gudoomiyahoodii, Cabdi Waalidkii iyo cidii
Horumarkiisa gacan ka geeysateey, Waxaana lama illaawaan ah
Tababarihii Mareeykanka ahaa iyo Gudiyadii Jaamacadda.
   Halyeey Bilad dahable-Cabdi Bille Cabdi wuxu ku sifoobay
Asluub wanaagsan,dhaqan suuban iyo Cibaado ku adkaanta oo
ah ku dadaalidda gudashadda Waajibaadka Diineed, Ixtiraamka
Basharka, Soo dhoweenta Wanaagsan iyo ku faanida Dhaqankiisa
Somaaliyeed, Taageeridda iyo dhiiri gelinta Dhalinyarada iyo
Talo-siintooda, Cabdi Bille waa Muwaadiin leh qiiro weyn iyo
Damiir Wadaniyadeed, Biseyl Qarameed waana sifooyin la oran
karo aqlabiyadda Dadka weeyba ka suuleeyn, Waxaana bedelay
hab dhaqameedka qalafsan iyo waxyaabaha ku cusub hanaankii
suubanaa ee Ummadeenu ku caanka aheyd, Waxaa xaqiiqo ah in
uu Ummadiisa ka mudan tahay amaan, bogaadiin iyo ku dayasho
Wanaagsan, Soo yaalka taariikhda ku xusan, Waxaa kalle oo
Xusid mudan Xidigan Qaran:- Halyeeygii Boodada Sare biladle
ElMarxuum-CBADULLE NUUR WAASUGE iyo Halyeeyga Weyn Xidigga
JAAMAC MAXAMUUD ADEN(Jaamac Karaaciin), Iyo Gudoomiyihii
Xiriirka Ciyaaraha Fuduud ee Somaaliyeed-Halyeey-MAXAMED
SAALAX AXMED(CHAARLES)Cabdi Biloow Dalka Hooyo iyo Dhalanta
Somaaliyeedba waxeey u ooman yihiin Taladaada, Tusaaleeynta
Wanaagsan iyo ku dayashadda Talaabooyinkaagii Guulaha lahaa
Waxeeyna ku leeyiihiin:-
-Cabdi Inaad Halyeey tahay.
-Xidig Qaran ayaad tahay.
-Bilad Dahable baad tahay.
-Xulkii Qaran ayaad tahay.
-Horyaal Iyo Halyeey tahay.
-Safiir Sharaf Dalkeen tahay.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-05/11/2007-
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Xasan Carab |