XASSAN CARAB:- SU’AALO IYO JAWAABO (AKHRISTAYAASHA SHARAFTA LEH).

Suaalo jawaab

Halkaan ka akhri

Marka hore dhammaan akhristayaasha xurmada weyn iga mudan

waxaan halkan ugu soo gudbinaayaa mahad-celin balaaran,waxaana

Isku dayi doonaa ka jawaab celinta Su’aalo badan oo si gaar ah

iiga imaaday Akhristayaasha Maqaalada iyo Qormooyinka fara-badan

oo aan ku soo bandhigo Shebekadaha Maqaamka Wanaagsan leh,Habka

Jawaabta ah mid guud iyo sida aragtideeyda gaaban dhigeeyso:-

 1-Su’aal:-Somaalidu Qaranka Iyo Qabyaaladda midkee Mudaanta

Siiyaan?

  Jawaab:-Ummadda Somaliyeed waxeey la mid tahay Ummadaha Alle

Abuuray,Xurmadooda iyo Aragtidooda kala duwan ayeey leeyihiin,

Dhaliilo iyo Wanaagba waa laga helaa,Laakiin marka xaqiiqada la

sheego waa Ummad Qabyaaladeed, Caadifida Reereed madax martay oo

ku xirtay meel yar oo ciriir ah,kana lumiyay hanaankii wanaagsanaa

iyo habka Caqli adeegsiga,waana arrin ayaan daradeeda leh waxaana

Tusaale kuugu filan xaaladda Dalkeena hooyo ka taagan,colaadaha,

Burburka,kala qoqobnaanta iyo Qabqable durbaan u tumida,kuwaas oo

lidku ah Habka Qaran-nimadda Xalasha ah iyo hanashada Midnimo dhab

ah,Dowlad Cadaalad ah iyo ku Nolaanshaha Nabad iyo Barwaaqo.

Hadii anan dhulkaygoow 

  2-Su’aal:-Habka kooxeysiga,Isbaheeysiyadu Maxeey u taagan yihin.

Faa’iido Dalka iyo Dadka ma u leeyhiin mise daneeysi gaar ah?

 Jawaab:-Hanaan walba iyo qaab kasta oo kooxeeysi ama isbaheeysi

ah waa mid yeelan karo wajiyo badan oo mararka qaarkood is diidan

ama iska hor imaanaaya,lakiin waxaa ahamiyadeeda leh in diraasada

ku haboon lagu sameeyo habka Isbaheeysiga wuuna yeesho nidaam iyo

Xeerar qeexan oo lagu shaqeeynaayo,ujeedo cad iyo Hogaan wanaagsan

sifooyinkaas ayaa ka maqnaada Kooxada iyo Isbaheeysiyada Somaliyed

waxaaba la oran Daneeysi gaar ahaaneed ama qabyaaladeed ayaa ah

Saldhiga iyo xeerarka jideeya Habka Isbaheeysida Dalkeena ka jira

ama Soo maray,waayo-Qabyaalada ayaa Jiheeyaha Wax walba,Waxaana

Markaas meesha ka baxaaya Dantii Guud iyo Maslaxad Qarameedka,

Aragtideeyda gaarka ah Dhaliilaha iyo dhibaatada Isbaheeysiyadda

ayaa badan ilaa hada sida waayo aragnimadeeydu dhigeeyso,waxaana

Faa’iido noqon kareeysa diraasada dhaliilaha iyo sixidooda,hadii

Danta Dalka iyo Ummadda hadafku yahay.

  3-Su’aal:-Hab Afduubeed ama aragti Koox gaar ah Dalka ma lagu

Hogaamin karaa, Cadaaladna ma keeni karaayaa?

  Jawaab:-Afduub erey Wanaagsan uma arko,laakiin ujeedada ayaan

ka raacaayaa,Dalka Somaliyeed waxaa soo maray Dowlado kala duwan

oo dhaliilahooda lahaa,Ummadda Somaaliyeedna waxeey u baahan tahay

Hanaan ama nidaan ku saleeysan:-Cadaalad,Sinaan iyo Garsoor xaq ah

Horumar Bulsho,Caafimaadka,Waxbarasho iyo habeeynta adeegyada guud

Iyo Qaran mid ah,Intaas ayaa ah Tirarka lagu hogaamin karayo Dalka

Iyo Dadka Somaliyeed,Aragtida gaarka uah Koox gaar ah ama Ujeedada

Nidaam Tawajuh gaar ah leh waxuu u baahanaayaa in Ummada laga

Dhaa-dhicisida hab hoboona loogu qeexo,weliba inta la fahmaayo loo

yeesho Sabir iyo waqtiba,Laakiin wixii afduub ah xal ma keeni

karayaan,waana dhibaato hor leh,waxaan ku soo koobaa:-Cadaalad iyo

Hogaan Wanaagsan ayaa Dalku u baahan yahay,Taladuna wadda Tashi.

Naftiihure  

  4-Su’aal:-Mxuu yahay Xiriirka Ehelka iyo Xurmada uu Mudan Yahay

loogana baahan yahay Bulshadeena?

  Jawaab:-Xiriirka Bulsho waa Hab Tiirarkiisa waaweyn leh,hanaan

Wanaagsan oo soo jiren ah,hab dhaqameed qaali ah,waxaana mudnaanta

ah leh Qodobadan:-

   1-Garashadda Ahamiyadda Qoyska iyo Xurmadda Ehelnimadda.

   2-Kala Dameeynta Iyo Is-tusaaleeynta.

   3-Qaradinta Maqaamka iyo Doorka Waalidka Iyo Dadka waaweyn.

   4-Tixgelinta iyo Dhegeeysiga aragtida Dhalinyaradda.

   5-Ku Barbaarnta Dhaqanka iyo Asluubta Wanaagsan(Diineed)

   6-Wadaaga Talada iyo Xoriyadda Dooda.

   Hadaba waxaa ayaan daradeeda leh in tiraarkii dumeeyn,Hanaankii

Wanaagsanaa laga tegeey,lana ilaaweey sifooyinkii suubanaa iyo

Dhaqankii xeerarka fiican lahaa,waxaana bedelay xurmo xumida,gefka

Xiriirin la’aanta,Luqada Xun iyo u gefidda Ehelka iyo Riximkaba,

weliba marka arrimahaas ka yimaadaan Dadka Waaweyn oo ah kuwii

Tusaale wanaan Dhalinyaradda iyo Ubadka soo koraayaa ka qaadan

lahaayeen,weliba marka goobta guud ama meelaha lagu kulmo sheekada

khaldan iyo caqliyada foorarta gudbiinteeda ku mashquulaan, cod

dheerna ku gudbiyan,waxaan oran karaa waa ceeb iyo Suulida Caqliga

Suuban iyo Maqaamka Wacan ee Hab Dhaqameeka Ummadda Somaaliyeed,

Kuwaas waxaan kula talin lahaa:-Is foosiya,masuuliyadiina garta

Xurmadana soo laabta.

Haybad waxaad ku leedahay

Fiiro Gaar ah:-Waa Jawaabaha Su’aalihii Akhristayaasha,waana

Aragtideeyda Sax iyo Khaaldba weey yeelan karaan,Kuwii Qoraalada

Aragtidda Siyaasadeed,Arrimo Busho iyo Ururka aan Afhayeenka u ah

Ma Jecleeysan in aan si guud uga Jawaab celiyo-laakiin si gaar ah

ayaan Jawaabtooda u bixiyeey,Su’aalihiin,Taladiina iyo Tusaaleynta

Qalbi iyo Gacmo furan-Aamaan badana Gudooma.

-Allah Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C.Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK-04/11/2007-

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: