Taliska Ciidanka Booliska oo shaaca ka qaaday in aysan wax lug ah ku laheyn howl galadii ugu dambeeyay ee kadhacay magaalada Muqdisho.

Bolis Somali 

Ciidanka Boliska

Halkaan ka akhri

Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ee la shaqeeya Ciidamada gumeysaha Ethiopia ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn howl galada labadii maal mood ee lasoo dhaafay ka socday qeybo ka mid ah magaaladan Muqdisho.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka Booliska C/llaahi Cumar Ibraahim Shacshac, ayaa sheegay in howl galadaasi ay ku koobnayeen ciidamada Gumeystaha Dowladda Ethiopia, kuwooda ku sugan magaalada Muqdisho.

Shacshac ayaa sidoo kale tilmaamay in ay wadaan baaritaano la xiriira, dilal dad rayid ah lagula kacay, intii ay socdeen howl galadaasi, kuwaasoo lasoo dhigay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Shacshac ayaa sheegay in ay horey u sheegeen in ay wax howl-galla ah oo dambe aysan kafulineyn Magaalada Muqdisho, balse howlgalkii ugu dambeeyay ay wateen Ciidamada Gumeystaha Ethiopia oo iyagu iskood u howlgalay.

Si kastaba ha ahaatee kuwa sheegta Ciidamada Boliska Dowladda KMG ah ayaa ah iyagu kuwa iska hadla balse aan waxba katari karin Ciidamada Gumeystaha Ethiopia oo iyagu mar walba xasuuq iyo Barakac ku haya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: