Meydadka dad rayid ah oo ay Ciidamada Ethiopian-ka si arxan darra ah usoo dileen oo saaka lag helay agagaarka Xerada Maslax ee Suuqa Xoolaha.

Xasuuq

Xasuuqa Shacabka

Halkaan ka akhri

 

Meydadka labo nin oo da´ ah oo ay toogteen Ciidamada Gumeystaha Ethiopian-ka ee saldhiga ku leh xerada Maslax ee suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu soo tuuray meydkooda xerada dhinaceeda.

Meydadka Odayaashan oo da´dooda lagu qiyaasay 50 sano jir iyo 60 sano jir ayaa waxaa ka muuqatay rasaas si arxan darra ah loogu toogtay ayaa saakay lagu arkay dhinaca waqooyi ee xaafada suuqa xoolaha.

Dadka deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in labadaasi nin ay dileen Ciidamada Gumeystaha Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh xerada maslax.

Muddo 24 saac gudahood ah ayaa Ciidamada Gumeystaha Ethiopian-ka ee degan xerada Maslax ee duleedka suuqa xoolaha waxa ay si xun u dileen dad gaaraya ilaa 5 ruux kuwaas oo dhamaantood ah rayid ah, kuwaasoo ay xitaa qaarkood kala googooyeen xibnaha jirkooda qaar.

Illaa iyo hadda waxaa lagu tuhmayaa Ciidamada Gumeystaha Ethiopia ee ay guryahooda kala bexeen maalmihii ugu dambeeyay dad gaaraya illaa 38 qof, ayna diideen in ay soo sii daayaan.

Gumeystayaasha Ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh duleedka suuqa xoolaha ayaa waxaa ay dileen 3 nin oo ay diideen in meydkooda xitaa la qaado si loo aaso.

Sidoo kale maalinimadii shalay ayaa waxay Ciidamada Gumeystaha Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh Istaadiyo Muqdisho isgosyka ifka xalan soo dhigeen sadax nin oo meyd ah kuwaas oo ay si xun usoo googooyeen xubnahooda uuna ka mid ahaa Maxamed Xuseen Jaamac oo katirsanaa shaqaalaha HornAfrik gaar ahaan ilaalada HornAfrik.

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay ee dad ay soo dileen wadooyinka laga helo, Subax walba magaalada Muqdisho Xerooyinka ay ka degan yihiin Ciidamada Ethiopia hortooda waxaa laga helaa meydad ay si arxan darra ah usoo dilaan, kuwaasoo xitaa mararka qaar la aqoonsan waayo, kadibna dadka xaafadaha ay iska aasaan.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: