Macallin Xaashi:- Waxaan helnay daawada Taangiga, goor dhowna magaalada Muqdisho isbadal xoog leh ayaanu kusameyn doonnaa.

Macalin Xaashi

Macallin Xaashi

Halkaan ka akhri

Macallin Xaashi oo ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirkii Ereteriy dhawaana dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in la helay daawadii Taankiga, hase yeeshee Macallin Xaashi ma faahfaahin waxa ay tahay daawadaasi, balse waxay dadku u fasirteen in ay tahay hubkii lagula dagaalami lahaa Taangiyada ciidamada Ethiopia.

Insha Allaah dalka way ka baxayaan ciidamada Itoobiya kuwa dabadhilifka u ah ayuu si kulul u yiri Macallin Xaashii oo sheegay in uu ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu sida uu sheegay ka wado dagaalo uu kaga soo horjeedo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Macallin Xaashi waxa uu u soo jeediyey ciidamada Dowladda KMG in ay isaga baxaan Dowladda KMG oo ay ku soo biiraan halganka lagula jiro ciidamada Itoobiya.

Hadalka ka soo yeeray Macallin Xaashi ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay magalada Muqdisho ku soo qulqulayaan taangiyo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, waxa uuna shacabka u sheegay in aysan marnaba ku niyad jabin hubkaasi ay wataan ciidamada Ethiopia.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: