Sadex qof oo rayid ah oo shalay ay nolol ku qafaasheen ciidamada Ethiopia, oo maanta inta ay soo jar jareem hilibkooda maydkoodana soo dhigeen meel u dhow garoonka Istaadiyo Muqdisho.

Gumeyste Eth.

Ciidamada Gumeystah

Halkaan ka akhri

 Halkaan ka dhageyso wareysiga Maxamed Xassan Xaad ee BBCda

Sadexda qof, oo mid ka mid ah uu ahaa nin oday ah oo waardiye ka ahaa Guriga milkiilaha idaacadda HornAfrik oo ku yaalla meel ka soo horjeedda Idaacadda HornAfik, dadkan ay qafaasheen Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ayey gowraceen oo kuwa qaar ay googooyeen hilibkooda sida gacmaha iyo madaxa ay kajareen.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee beesha Hawiye, Maxamed Xassan Xaad, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay gacanta ugu jiraan dad kaloo badan oo gaaraya illaa 19 qof oo rayid ah oo shalay ay jidadka ka aruursadeen, kuwaas oo ay ilaa hadda diidan yihiin in ay soo daayaan.

Wuxuu sheegay in shuruuda ay ku xireen ciidamada Ethiopia ay ahayd in maydka ciidankooda hadii loo geeyo ay sii daynayaan dadka ay haystaan, sidaa daraadeedna ay ka soo bixi waayeen balantii.

Ciidamada Gumeystaha Ethiopia, oo sii xoojinaya joogitaankooda Muqdisho, ayaa ilaa tobaneeyo Taangiyo iyo ilaa lixdan baabuurta ciidamada lagu daabulo oo buuxbuuxa oo hor leh ay soo galiyeen magaalada Muqdisho.

Waxaana Maxamed Xassan Xaad uu ka digay in ay Ciidamada Ethiopia dagaallo hor leh qaban qaabinayaan, iyadoo dadwayne badan oo rayid ah ay ka qaxayaan goobihii ay deganaayeen ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Maxamed Xassan Xaad ee BBCda

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: