Odayaasha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo qaylo dhaan ku saabsan Xaaladda Soomaaliya u diray hay`adaha Caalamiga.

xaad

Halkaan ka akhri

Mogadisho Sabti ( SomaliSwiss ) 03.11.2007  

KU: Ururka Qaramada Midoobay
Ku: Ururka Midowga Europe
Ku: Ururka Islaamka
Ku: Ururka Jaamacadda Carabta
KU: Ururka Midowga Africa
Ujeedo:

Qeylo Dhaan la xiriirta Xaaladda uu Dalka Soomaaliya ku Sugan yahay

Sida lawada ogyahay waxaa dalka Soomaaliya si sharci darro ah ugu soo duulay ciidamada Ethiopia gaar ahaan Goboladda Koonfureed, iyadoo la wada ogyahay in duulaankaas sababtiis ay dowladda laba garab ugu kala Jabtay iyo in shacabka Soomaaliyeed kalsoonidii ay u hayeen Dowladda ay baaba’aday, taasoo ugu dambeyn keentay  kacdoon shacab oo ka dhan ah tacadiyada ay geysanayaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Embgati.

Intaa kadib waxay ciidamada Ethiopia duulaan cir iyo dhul ah ku soo qaaday magaalada Muqdisho duulaankaas oo ay ku xasuuqday kumanaan shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan kuna baabi’isay hanti shacab oo lagu qiyaasay in kor u dhaafayso $1.5 ( Bilyan  dollar), kagana barakicisay magaalada Muqdisho Sadex meelood laba meel 3/2 Shacabkii deganaa, iyagoo saldhigyo ciidan ka dhigtay goobihii ay shacabka deganaayeen, sidoo kale waxay jidgooyo joogto ah ku hayaan isu socodka dadweynaha taasoo keentay in ay shacabka shaqo tagi kari waayaan Suuqyadiina ka soo adeegan kari waayaan ayna xirmeen goobihii waxbarasho iyo isbitaaladii caafimaad, taasoo keentay in dalku uu galo Amni darro, macaluul baahsan iyo xaalad banii’aadanimo xumo.

Qeylo dhaan

Kadib markii uu golahu arkay  in dowladda Itoobiya ay ciidamo cusub oo tiro badan iyo hub waaweyn ay gobolka Banaadir ku soo daabulayso si ay mar ladaab u hasuuqdo inta ka hartay shacabka Muqdisho ayaa waxaa laga maarmaan ah in aan beesha caalamka u gudbinno qaylo dhaan ka digayso musiibo bani’aadanimo oo ka soo socoto dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo tii hore ka sii baaxad weyn, taasoo waxba laga qaban kari doononin hadii aan hadda laga hortagin.

Xalka

Goluhu wuxuu xalku u arkaa:  

  1. In Beesha Caalamka ay hor istaagto ciidanka iyo hubka ay dowladda Itoobiya ku soo daabulayso dalka Soomaaliya.

  2. In Beesha Caalamka ay Itoobiya ku cadaadiso in ay gabi ahaan ciidankeeda kala baxdo dalka Soomaaliya.

  3. In Beesha Caalamka ay la timaado hindise dib u heshiisiin oo la isugu keenayo qeybaha Siyasadda dalka isku hayo.

  4. In ay beesha caalamka  garwaaqsato in wadada kaliya ee lagu xalin karo arrimaha Soomaaliya ay tahay wadahadal oo aan xoog xal keenaynin.

  5. Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn in ay kaalmo wax ku ool ah la soo gaaran shacabka ka barakacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye

Maxamed Xasan Xaad

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: