Dagaalo dhinacya badan ah oo galabta ka bilaawday deegaano ay kamid yihiin Xaafadaha Towfiiq iyo Hodon ee magaalada Muqdisho.

war degdeg ah 

Dagaal Muqdisho

Halkaan ka akhri

Dagaallo qaraar ayaa galabta ka bilowday qaybo katirsan Xaafadaha magaalada Muqdisho, galabta saacada markey eheed :45-daqiiqa ayauu dagaal xoogan ka bilowaday xaafadaha TOWFIIQ, BAAR AYAAN, HODAN, iyo meela kaloo badan oo ay kusuganyihiin Ciidamada Ethiopia ee xooga ku joogo wadanka Soomaaliya.

Waxaa lamaqlayaa Madaafiicada iyo hoobiyaasha ay is dhaafsanyaan labada dhinac, Madfac ay soo rideen Ciidamada Ethiopiaa ayaa ku soo dhacay Siliga towfiiq degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdishio.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Ciidamada Muqaawamada ay isku dayeen in ay qabsadaan gaari URAL ah oo ay wateen Ciidamada Ethiopia , kadibna ay ka war herleen Ciidamada Ethiopia.

Illaa iyo iminka waxaa lamaqlayaa sawaxanka hubka waaweyn oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac waxaana firaaqa noqday wadooyinka Muqdisho oo laga kala xarooday.

Dadka deegaan Towfiiq oo aan laxiriirnay ayaa noo xaqiijiyay sida ay wax u dhacayaan” waxaa xaafada Towfiiq ku soo dhacay Madfac guri ay dad rayid ah deganyihiin lama garan karo qasaaraha ka dhashay oo rasaasta ayaa si xowliya ugu soo dhacayso” goob joogaha ayaa intaas ku daray in Xaafada Towfiiq ay ku soo faafeen Ciidamo Ethiopian ah oo dagaal kula jiro Ciidamada Muqaawamada Soomaaliya.

Dhinaca kale dagaal kulul ayaa la sheegayaa in uu hadda kasocdo xaafada Hodon ee magaalada Mudisho, Ciidamada Muqaawamada ayaa la sheegay in ay weerar xoogan ku hayaan Saldhiga Booliska degmada Hodon.

Maaha markii ugu horeysay ee laweeraro ciidamada Gumeystaha Ethiopia iyo kuwa lashaqeeya ee Soomaalida ah, weeraradan ayaa ah kuwa maalimba maalinta kadambeysa sii xoogeysanaya.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: