Bannaan baxyo aad u balaaran oo looga soo horjeedo, ciidamada Gumeysiga Dowladda Ethiopia ee kusoo qul qulaya gudaha wadanka Somalia.

Mudaaharaad

Mudaaharaad Muqdisho

Halkaan ka akhri

 

Bannaan baxyo aad u balaaran oo looga soo horjeedo, ciidamada Gumeysiga Dowladda Ethiopia ee kusoo qul qulaya gudaha wadankan Somalia ayaa maanta ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah Caasimadda wadanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Bannaan baxyadan oo ahaa kuwo aad u balaaran, ayaa waxaa looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Ethiopia, iyo waliba kuwa cusub ee kusoo qul qulaya gudaha magaalada Muqdisho.

Bannaan baxyadan ayaa waxaa ay ka dhaceen wadooyinka caanka ah iyo Xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo dadka mudaaharaadayay ay aad u careysnaayeen kuna dhawaaqayeen eraya kadhan ah Ciidamada Cadowga dalka kusoo duulay ee Ethiopia.

Wadooyinka Xaafadaha Muqdisho oo ay ugu weyn yihiin jidka 30-ka, iyo Warshadaha iyo kuwa kale ayaa waxaa isugu soo baxay dad fara badan, isla markaana si raxan raxan ah u soconayay.

Maaha markii ugu horeysay ee ay ku bannaan baxaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdsho, iyadoo ay baryahamba socdeen Mudaaharadyo rabshada iyo dagaalaba watay.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: