Macallin Xaashi:- “Waxaan bilaabi doonaa dhawaan qaabab cusub oo dagaal oo aan horay aan loo arkin, wuuna ku jabi doonaa cadawgu Shacabka Soomaaliyeed”

Macalin Xaashi

Macallin Xaashi

Halkaan ka akhri

Macallin Xaashi M. oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Isalaamka Soomaaliya,oo iminkana ka mid ah Hogaanka Gudiga Fulinta ee Isbahaysiga di u xoreynta iyo dib usoo nooleynta Somalia. ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wedi doonaan dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Ethiopia ee kusoo duulay dalka Soomaaliya.

Macallin Xaashi ayaa sheegay in dhawaan dagaalo ka dhan ah Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ethiopian-ka ay ka bilaabi doonaan Caasimadda Somalia ee Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobalada Dalka Somalia.

hadalkan ayuu Macallin xaashi ka sheegay waraysi uu siiyay mid kamida idaacadaha magaalada Muqdsiho, Macallin Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyay meesha ay marayaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan dowlada KMG Soomaaliya iyo Ciidamada gumaysiga Ethiopi a ee xooga ku joogo Dalka Soomaaliya.

Macallin Xaashi ayaa si cad u tilmaamay in ay sii wedi doonaan dagaalka islamarkaana ay wejiya badan uyeeli doonaan dagaalka dib u xoreynta ay kula jiraan Ciidamada Ethiopia, kaasoo uu sheegay in ay kaga xoreyn doonaan Dalka Soomaalia.

“Waxaan bilaabi doonaa dhawaan qaabab cusub oo dagaal oo aan horay loo arag, hadii uu cadawgu sii wado xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Macllin Xaashi.

Macalin Xaashi M. oo ka hadlayay sidoo kale iscasilaadii uu sameeyey Ra’isal wasaarihii Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa sheegay inaysan iyagu u arkin talaabadaasi mid sidaa u buuran, isalamrkaana ay ku qalqaaliyeen iscasilaadiisa Dowlahada Maraykanka iyo Ethiopia oo uu xusay in ay faragelin qaawan had iyo jeer ku hayaan arimaha Somalia.

hadalkan ka soo yeeray Macallin Xaashi ayaa ku soo beegmaya xili ay sii kordheen dagaalada looga soo horjeedo Ciidamadadowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Ethiopia.

Macalin Xaashi Maxamed Faarax, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay shirkii Asmara ee lagusoo dhidbay Isbahaysiga soo nooleynta iyo dib u xoreynta Somalia kana mid ah hogaanka Guddiga fulinta Isbahaysigaasi ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu markii horaba ka ambabaxay xilligii uu Shirkii Asmara kusii jeeday.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: