Banaanbaxyo looga soo horjeedo Joogitaanka ciidamada Ethiopia oo ka soconaya Xaafadda Suuqa Xoolaha illaa Warshadii Baastada ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbax

Halkaan ka akhri

Dadweyne aad u fara badan oo ay ku jiraan dhalinyaro, Haween Caruur ayaa hada Banaanbax ka dhigaya qeybo kamid ah Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo SOS, Huruwaay, iyagoona ku dhawaaqayay eraya ay ku diidan yihiin joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee wadanka Soomaalia

Bannaan baxayaasha ayaa ku dhawaaday xarunta Warshadda Baastada halkaasi oo fariisimo u ah Ciidamada Ethiopian-ka iyadoona ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kamid ahayeen Dooni meyno Gumeysi, waan la dagaalameynaa Ethiopia.

Waxaa Banaan baxa la sheegaya in ay hogaaminayaan dhalinyaro bastoolado iyo Babma gacmeedyo ku hubeysan inkastoo aaney jirin wax isku dhacyo ah oo ay la galeen Ciidamada Ethiopian-ka oo heegankii ugu sareeyay ku jira.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay Bannaan baxyo noocan oo kale ah oo weliba dagaala ay ku dhexjireen kuwaasi oo ay shacabka ku muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee Dalka Somaliya.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: