Maleeshiyaadkii ku heybta ahaa Cali Geeddi oo dhamaantood iska tuuray dharkii ay Tigreega u geliyeen iyagoo dhufeysyo ka sameystay Waqooyiga Muqdisho.

Maleeshiyo 

Ciidamadii Dhar Cagaarta

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhamaan Maleeshiyaadkii ka amar qaadanayey Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ay iska siibeen dharkii kooxda Mbagathi iyagoo isbaarooyin dhigtay laga soo bilaabo qadkii Cagaarnaa ee Waqooyiga Muqdisho laga soo gali jirey, sidoo kale Siyaasiyiinta Beesha Muddulood ayaa shir Albaabadu u xiran yihiin maanta la qaatay Maxamed Dheere iyadoo warar hordhac ah oo aanu ka heleyno waxa shirkaasi uu ku saabsanaa ay sheegayaan in Maxamed Dheere laga dalbaday inuu dhamaan Ciidankiisa iyo Hubkiisa uu ku soo wareejiyo Beesha Muddulood.

Sidoo kale Tigreegii joogay Magaalada Muqdisho iyo Maleeshiyaadkii Cabdullaahi Yuusuf ayaan maanta Magaalada lagu arag iyagoo aan xeryahooda ka soo bixin, dhamaan Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkayey Maleeshiyaad raxan raxan u socda oo isugu jira kuwii Dagaalka kula jiray Tigreega oo ay iminka ku soo biireen kuwo kale oo haray uga amar qaadan jiray Jeelle iyo Geeddi.
Waxaa xaafadaha Magaalada Muqdisho gaaf wareegayey Baabuurka dagaalka oo loo yaqaanno Tiknikada oo qaarkood uu ku buufsan yahay Sawirka Geeddi, iyagoo xabbado kor u ridayey caro xoog lehna ay ka muuqatay.

Lama oga sababta Tigreegu ay maanta uga soo bixi waayeen xeryahooda iyo weliba ineey Dagaal la geli doonaan Maleeshiyaadkii horay uga amr qaadan jiray oo iminka dhinaca kale ka soo jeestay, iyadoo xaaladdan cusub ee Magaalada ku soo korortay ay cabsi kale oo weyn ku sii abuurtay dadkii degganaa Waqooyiga Muqdisho oo qax iyagana billaabay iyagoo ku sii jeeda Xaafadaha Gubadleey iyo Xaliimo Hiite oo ku yaalla Cirifka Waqooyiga Muqdisho.

Salaad Cali Jeelle oo u warramay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in wax Dowlad ah oo ka shaqeynaya Magaalada Muqdisho aysan jirin inta xaalku sidan yahay ” Awalba unukaa geynay Dowladda Muqdisho haddana Dowladdi waaba la kala diray inti Dowlad leysku afgarahaa laga dhisaana wax hagagaa ma jiraan” ayuu jiri Jeelle oo aad uga careysnaa Eryiddii Geeddi.

Ifafaalaha siyaasadeed ee Muqdisho iminka ka muuqanaya ayaa ah mid ay lama huraan noqoneyso in Dagaal uu ku dhex maro Maleeshiyaadkii la safnaa Tigreega oo iminka soo gadooday lana goostay Hubkii ay Tigreegu siiyeen & Tigreega oo kaashanaya Maleeshiyaadkii Garoowe iyo Boosaaso laga keenay, lamana oga in Ciidamada dib u xoreynta Soomaaliyeed ay si buuxda u soo dhaweyn doonaan kuwii horay ugu shaqeynayey Tigreega.

Arrintu si kastaba ha’ahaatee Shacabkii Muqdisho ku haray ayaa dhamaantiis ka sii qulqulaya Magaalada iyadoo maalmaha soo socdana xaaladda Dagaal ee Muqdisho ay weji cusub geli doonto.

Sourse Hillaac

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: