Dowladda Mareykanka oo la sheegayo in C/llaahi Yuusuf ay ku cadaadineyso in uu wada hadal la furo Isbaheysiga dib u xureynta Soomaaliyeed.

US ETH 

Mareykanka

Halkaan ka akhri

Dowladda Mareykanka oo la sheegayo in C/llaahi Yuusuf ay ku cadaadineyso in uu wada hadal la furo Isbaheysiga dib u xureynta Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka oo iyadu lagu eedeeynayo in ay Ra’isul Wasaarihii Dowladda KMG Cali Geedi ku cadaadisay in uu isaga dego xilka Ra’isul Wasaarenimo ayaa haddana warar aanu heleyno waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf lagu cadaadinayo in uu wada hadal la furo Isbahaysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya ee lagu aasaasay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Waxaa magaalada Baydhabo la sheegay in ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka oo C/llaahi Yuusuf kala hadlaya sidii uu u magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare Cusub oo bulshada Soomaaliyeed ku leh sumcad iyo taageero fara badan, waxaa laga yaabaa in ergay ka socda C/llaahi Yuusuf uu u kicitimo dalka Jabuuti si uu ula kulmo qaar ka mid ah Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, oo laga yaabo in uu kala hadlo sidii ay u qaadan lahaayeen Ra’isul Wasaare Dowladda KMG iyo waliba xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Sheekh Shariif oo Isbabahsigaasi hogaamiya ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba xil ka qaban doonin Dowladda KMG tan iyo inta ay Ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.

“Isku mabaadii’ maba nihin, anagana mabaadii’deenu waxay ku saleysan tahay diinta Islaamka, balse iyagu gacantooda ayay ku sameysteen iyo gacmo shisheeye” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in iscasilaaddii Cali Max’ed Geedi ku timid cadaadis kaga yimid dhanka Dowladaha Mareykanka iyo Ethiopia, isagoo sheegay in Ethiopia ay haatan raadineyso mid ka shar badan Cali Max’ed Geedi, waayo Ethiopia ma dooneyso ayuu yiri in Soomaaliya degto ama Ummadda Soomaaliyeed helaan xasilooni.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: