Dowladda KMG Soomaaliya oo go´aanno is khilaafsan ka soo saartay Isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliga ahaa.

E. Passport 

Passport-ka Cusub

Halkaan ka akhri

Iyadoo loo diyaar garoobayo wakhtigii Xajka ayuu khilaaf aad weyn ka dhhax taaganyahay hay’addha dowlada KMG Soomaaliya oo ku aadan sida loo Socodsiinayo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

C/llaahi Gaafoow Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada KMG Soomaliya oo Maanta shir jaraaid kuqabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanan lagu dhoofi karin Baasaboorkii hore ee Soomaaliga gaar ahaa kan cagaaran.

C/llaahi gaafoow Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee ku dhoofa Baasaboorkii hore ee Soomaaliga iyo Sharkadaha Diyaaradaha in ay isticmaalaan Baasaboorkii hore ee cagaarnaa.

Hadalkan ka soo yeeray waaxda Socdaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili Golaha Wasiirada dowlada Soomaaliya ay shalay go’aamiyeen in Baasaboorkii hore ee Soomaaliga uu yahay mid sharciya oo lagu gudan karo waajibaadka Xajka amaba lagu aadi karo dalka Sucuudiga iyo wadamada kalaba.

C/llaahi gaafoow ayaa hadalkaasii kutilmaamay mid been abuur ah oo aan lagala tashan waaxdiisa Socdaalka Shirkadaha iyo dadka usocdaalo dibadaha ayaa arrintan iskhilaafsan ka muujiyay walaac iyagoona codsaday in dowlada KMG Soomaliya ay go’aan iskumid ah ka soo saarto arrinka Baasaboorka oo khilaafkiisu marar badan uu soo laab laabtay.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: