Sheikh Shariif:- “Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda ee nabad-iaalinta isku sheegaya waa isku mid si isku mid ah ayaanu ula dagaalamaynaa”.

SH. 

Sheikh Shariif

Halkaan ka akhri

Hogaamiyaha Isbahaysiga Xoreynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlayey xaaladda Siyaasadeed ee xilligan ka jirta Somalia, ayaa sheegay in ay sii murjinayaan Dowlado shisheeye oo ay ugu horeyso Dowladda Maraykanka ee caalamka ugu tuhka weyn.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey Iscasilaadii R/wasaarihii Xukuumadda Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa sheegay in ay ka dambeyso Xukuumadda Washington ee dalka Maraykanka.

“Maraykanka ayaa ka dambeeya khilaaf-siyaasadeedka Somalia gaar ahaan Iscasilaada Prof. Geedi, waana arin caalamku wada ogsoon yahay” sidaana waxaa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbahainta gudaha la hadlayey maanta isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Isagoo ka hadlayey Dagaalada wax iska caabinta ee ka jira Magaalada Muqdisho, ayaa markale waxa uu ku celiyey in ay sii socon doonaan, ilaa Ciidamada shisheeya laga saaro dalka sida uu tilmaamay.

“Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda ee nabad-iaalinta isku sheegaya waa isku mid si isku mid ah ayaanu ula dagaalamaynaa” ayuu yiri Sheekha.

Hadalka Sheekha ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasadii ugu khalafsaneyd ay ka jirto Somalia, islamarkaana ay malaintii 4aad xiran yihiin dhamaan goobihii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha oo shaqaaqado khasaarahooda wata ay ka jiraan.

SomaliSwiss Xafiiska Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: