Prof. Cabdi ismaaciil samatar:- “Cidda wax soo dooranaysa itoobiyaan miiyaa ?mise Soomaali xor ah,”

Prof. C/ Ismail Samatr

Qoraal

Halkaan ka akhri

 

Prof: Cabdi Ismaaciil samatar ayaa sheegay in is bedelka dhacay uu yahay amar ka yimid dowladda Itoobiya waxaana uu sheegay in wadanka soomaaliya ay haystaan Ciidamo itoobiyaan ah oo ku hareeraysan baarlamanka soomaaliya.

Prof: Cabdi Ismaaciil samatar oo ka mid ah aqoonyahada soomaalyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay in is casilaadii Ray’isul wasaarihii soomaaliya Cali Maxamed Geedi aysan waxba ku soo kordhin doonin xaalada cakiran ee dala soomaaliya.

Prof-ka ayaa waxaa uu sheegay in amarka is casilaaada geedi uu yahay mid laga bixiyay Magaalada addis ababa ee dalka itoobiya.

Cabdi ismaaciil Samatar waxaa uu soo jeediyay in xiligaan ay muhiim tahay shir dib u heshiisiin ah oo ay ka qeyb galaan dhamaan kooxaha kala duwan ee soomaalida gaar ahaan kuwa jooga dalka ereteria islamarkaana waxaa uu sheegay in heshiiskaasi uu ka dhaco meel aysan joogin Ciidamada dowladda itoobiya.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dastuurka wax laga bedelo oo xubno cusub banaanka laga keeno hadii aysan dhicina ay tahay arrintu jug jug meeshaada ha dhaafin.

“Cidda wax soo dooranaysa itoobiyaan miiyaa ?mise Soomaali xor ah,” ayuu yiri Prof. Cabdi ismaaciil samatar.

Waxaa uu ugu dambeyntii walaac ka muujiyay shacabka soomaaliyeed ee ka barakacaya Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu sheegay in dhibaato baaxad leh ay haysto.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: