Dalka Brazil oo lagu wado in ay marti geliso Tartanka Ciyaaraha Kubbada Cagta (FIFA) Sannadka 2014ka.

fifa.jpg 

Halkaan ka akhri

Zürich Talaado( SomaliSwiss ) 30.10.2007   

Ururka Caalamaiga ee Kubbada Cagta (FIFA) ayaa shalay shaaca ka qaaday, in dalka Brasil uu yahay dalka keliya ee u sharraxan inay marti geliso Tartanka Ciyaaraha ee Sannadka 2014ka, sidaas awgeed Madaxweynaha Brasil Mudane Lula ayaa billaabay  riyadii Qarankiisa, wuxuu muujiyey  inuu ku faraxsan yahay in dalkiisa lagu qabto tartankan, waana kii Shanaad ee lagu qabto dalka Brasil . 

Talaadadii shalay ahayd ayaa Guddiga Fulinta ee FIFA,  kulan ku yeeshay magaalada Zürich ku gò,aansadeen in tartanka Kubbada Cagta ee Sannadka 2014ka lagu qabto dalka Brasil .

Dhinaca kale Madaxweyne Lula ayaa sheegay in Stadiyaha Marakanà ee ku yaalla Rio Janeiro oo la hubo in lagu marti gelin doono Ciyaarahaas ay gebi ahaan la cusboonaysiyey. 

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta ee Brasil Mudane Ricardo Teixeira, waxaan wadnaa raadinta  maal geliyaasha Caalamiga ah, gaar ahaan  hantiilayaasha gaarka ah, inay maal geshtaan mashruucyada dhismooyinka cusub ee lagu diyaargaroobayo Tartanka Caalamiga ee Kubbada Cagta, hase ahaatee Mudane Ricardo wuxuu caddeeyey in Fifa ay dhisi doonto 55.000/kun qol oo jiif ah, kuna bixi doonto lacag dhan 1,5milyan iyo bar. 

Madaxweynaha dalka Brasil Mudane Luiz Incio Lula oo shalay galab yimid magaalada Zürich ayaa la kulmay Madaxweynaha Ururka Caalamiga ee Kubbada Cagta Mudane Yoseph Blatter, waxayna ka wada hadleen hannaanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee tartanka 2014ka, balse Mudane Yoseph Blatter wuxuu guddoonsiyey hadiyad Trofeeyaha Koobka Caalamiga.  

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: