Bilowgii Burburkii Rajiimka Fadhiidka ah, Bilowgii kala yaaca Dambiilayaasha.

Xassan Carab

Xassan Carab

Halkaan ka akhri

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Nabada, Midnimada Iyo Cadaalada waxeey u arkaan biloowgii guusha Ummadda Somaaliyeed iyo Biloowgii Bur-burka Rajiimka Fadhiidka ah, Gumeeysiga Talada Iyo Qorshaha Xasuuqidda Muwaadinka ka soo qaata, kuwa isku Sheega Dowlada laakiin Runtii Adeegayaasha iyo khaayimiinta Gun-nimada door biday, Casilaada ama ceeyrinta Camiilka weyn Proff-Geedi biloowgii kala yaaca Dembiilayaasha.

  Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Ummadda Somaaliyeed sida ku haboon ugu qeexaayaan in Rajiimkaasu yahay mid aan marna Meteliin Masuulna ka aheyn danta guud iyo maslaxadda Qaran, balse yahay mac-mal gumeeysigu soo dhoob-dhoobay, Fulinaaya Ujeedooyinka iyo qorshe qato dheer leh oo weligiiba loo soo Meleegaayeey Dalka iyo Dadka Somaaliyeed, damaca Itoobiya, Cadoowgeena koowaad iyo hadafka gumeeysiga cusub ee aduunka

Mareeykanka iyo Xulafadiisa.

Howlaha arlada      

   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed marna ma aqoonsan Rajiimkaas, mana kala jecla Raxanta dembiilayaasha ah iyo xilalka eey isku magacaabaan:-Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare. Gudoomiye Barlamaan, Xukuumad,Wasiiro iyo Xildhibaano balse dhammaan waa Dembiilayaal Qaran mudan la Xisaabtan iyo Maxkamadeeyn Heer Caalami ah oo waajibkooda lagu mariyo.

   

   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo codka, damiirka Muwaadinka Xalaasha ah ka turjumaayana kana duulaaya rabitaankooda wuu u soo jeedinaayaa Beesha Caalamka ka fogaanshaha guud ahaan Soo dhoweeynta,magan-gelinta iyo u fidiinta goob nabadeed Xubnaha Rajiinkaas Xasuuqyadda, Gumaadka, Bara-kicinta, dhaca Hantida Dadweynaha iyo Fara-xumeenta Haweenka Somaaliyeed ku caan baxay, gaar ahaan kuwa Madaxdda sare sheegta oo si

cad u dhacay Deeqdii iyo Kaalamadii dhaqaalle loogu deeqay Dalka Iyo Dadka Somaaliyeed Proff-Geedina Koow ka yahay

Hadii anan dhulkaygoow       

   Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu si joogto u Cambaareeynaa Nidaamka Keli-taliska ee Addis Abba wuuna Hogaaniye-Melez Zanaawi Mujrimka ugu weyn Geeska Afrika fara-gelinta iyo Qabsahashada Dalkeena hooyo iyo Tacadiyada xad dhaafka oo eey Ciidankiisu ka wadaan Caasimadda Muqdisho,waxaanu ugu Baaqeeynaa in eey sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Dalka Somaliya,kana waantoobaan ku xadgudbida xoriyada, Jiritaanka Qaranka Somaaliyeed, anagoo ku talineeyna in Beesha Caalamku garato isla markaana gudato masuuliyadeed akhalaaqeed.

   Dhaq-dhaqaaq Somaaliyeed wuxuu ku boorinaaya Jaaliyadda Qurba jooga Somaaliyeed abaabulidda Mudaaharaad iyo Banaan baxyo baaxadooda leh loga soo hor-jeedo joogitaanka xoogaga Gumeeysiga Itoobiya. lguna cambaareeynaayo Tacadiyadooda iyo Dhibaatada eey Dadkeena ku hayaan, Fadlan, Fadlan garta, Guta Masuuliyada Diineed, Qarameed iyo Akhlaaqeed oo Dalkeena iyo Dadkeena inaga Saaran, Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeedna marna kama gaabinaayaan gudashadda waajibaadkooda Qarameed.

-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)--Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda-

-England-UK-30/10/2007-

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: