RW Cali Geedi oo si rasmi ah maanta xilka isaga dagay, iyo Xildhibaana badan oo taageersanaa oo aan soo xaadirin khudbaddiisa.

geedi2.jpg 

Weji Cusub

Halkaan ka akhri

Cali Maxamed Geedi, Ra’isal wasaarihii dowladda KMG ah ayaa maanta xilkii isaga dagay, kadib markii istiqaaladiisa uu si rasmi ah ugu gudbiyay madax weyne Yuusuf, isla markaana arrintaasi baarlamaanka ka hor caddeeyay.

Prof. Geedi oo ay wehliyaan saraakiil Ethiopian ah ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, isagoona C/llaahi u gudbiyay istiqaaladiisa uu xilka ku wareejinayo.

RW Geedi ayaa Hotelka Baar Bakiin ee magaalada Baydhabo kulamo kula qaatay xubnaha ku fakarka ahaa ee baarlamaanka ka tirsan, waxaa uuna u sheegay in uu si rasmi ah istiqaaladii ugu gudbiyay madax weynaha, isla markaana laga aqbalay.

RW Cali Max’ed Geedi ayaa ka sheekeeyay sababta keentay in uu xilka isaga tago, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay hadallo kul kulul uu ku hadlayay iyo wax yaabihii u qabsoomay intii ay jirtay xukuumadiisa.

Waxaa uu sheegay in ay arrintani ka dambeysay ka dib la tashiyo uu la sameeyay xubno beesha caalamka ka tirsan, iyo waliba mas’uuliyiin sar sare oo dowladda KMG ka mid ah, ugu dambeyna uu go’aankan qaatay, taasoo uu sheegay in ay cashar taariikhi ah u noqon doonto madaxda dowladda KMG ah iyo xubnaha kaleba.

Iscasilaada RW Geedi ayaa maanta khudbadiisa waxaa an soo xaadirin xildhibaano badan oo wayadan dambe si aad ah u taageeri jiray Siyaasada Cali Geedi.

Waxaa uu wax lagu faano uu ku tilmaamay doodihii xubnaha baarlamaanka, oo uu sheegay in ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxayeen, isla markaana ay astaan u tahay Dimoqraadiyadda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cali Max’ed Geedi ayaa sheegay in uu xilka ka dagayo isagoo caafimaad qaba, isla markaana aaminsan in uu wax badan shacabka Soomaaliyeed u soo qabtay intii uu xilka hayay.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay wax qabad dhab ah la yimaadaan, isla markaana ay hirgaliso doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: