C/llaahi Yusuf:- waan ku faraxsanahay in Geedi si nabad ah isaga casilo jagadiisa Ra´isal wasaarenimo.

Yus. Gedi 

Dhageyso Khubadaha

Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso khudbadihii C/llaahi Yusuf & Cali Geedi

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uu ka gudoomay, Ra´isal wasaare Cali Maxamed Geedi, istiqaaladii uu u soo gudbiyay, isagoona sheegay in xilkaasi uu dhowaan qof kale u soo magacaabi doono.

C/llaahi Yuusuf, ayaa maanta markii ugu horeysay 3 sitimaan kadib hadaladan ku sheegay kadib khudbad uu maanta u jeediyay xubnaha baarlamaanka, isagoona ka codsaday in ay soo xulaan mas’uulka xilkaasi sida KMG ah loogu magacaabi doono.

Waxaa uu sheegay in la furi doono wada tashiyo balaaran, oo ku saabsan mas’uulka xilka ra’iisal wasaarenimada KMG ah loogu dhiiabayo, kadib markii uu Cali Max. Geedi is casilay.

Madax weyne Yuusuf ayaa sheegay in Cali Max’ed Geedi, laga bilaabo maanta ka tirsan yahay xildhibaanada baarlamaanka, isla markaana xuquuq sharci ah uu ku leeyahay.

C/llaahi Yusuf ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay iscasilaada RW Geedi, hadala jees jees ahna ku yiri aaway kuwii taageeri jiray aaway kuwii ururada ku dhawaaqayay dhowaanahan.

C/llaahi Yusuf ayaa ula jeeday sida xildhibaana badan oo ay kamid ahaayeen Caato, Qanyare, Muuse Suudi, Salaad CaliJeele, iyo kuwa kaloo badan.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Yusuf ayaa sida caadada u ahba aan hadlin isagoon guul gacanta kuheyn, balse lama sheegi karo waxa dhabta ah ee kadambeeya is casilaada Geedi, iyo sida ay u arki doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka dhageyso khudbadihii C/llaahi Yusuf & Cali Geedi

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: