Xassan Carab:- Waxaanu ku Baaqeeynaa Kacdoon Dalka oo dhan (Kacdoon Ummadeed oo Gumeeysiga lagu Diidan yahay).

 Xassan Carab

Halkaan ka akhri

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada, Midnimada Iyo Cadaalada Difaacaha iyo Illaaliyaha Xuquuqda Muwaadinka Somaaliyeed, Madaalayaasha sida joogta ah Isha ugu haya Arrimaha ka Jirra Dalkeena Hooyo, Waxaanu ku Baaqeeynaa Kacdoon Dalka oo dhan(Kacdoon Ummadeed oo Gumeeysiga lagu Diidan yahay). 

Waxaanu Halkan ku soo gudbineeynaa Taageeradda buuxdda oo aanu ku ayideeyno Kacdoonka Ummadeed Geesinimada, Dareenka Iyo Damiirka nool ku saleeysan, Qiirada Wadaniyadeed sida cod loogaga soo hor-jeedo Gumeeysiga Iyo Heeryadiisaba oo Maalimtii Labaad ka Socdda Caasimadda Qaranka Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkaan Talaabaas mid ka turjumeeysa Diidmadda cad oo Muwaadiniinta Xalaasha ahi kaga Gilgisheen qabsashada Dalkeena hooyo iyo tacadiyadda Joogtada ah oo geeysanaayeeyo Dalkeena, waxeeyna ku mudan Yihiin amaan, bogaadiin iyo Taageero balaaran (hambalyo). 

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu ku boorinaayaa guud ahaan Ummada Somaaliyeed Abaabulida Kacdoon Dadweyne, Banaan baxyo Iyo Mudaaharaadyo Baaxadooda leh in laga sameeyo Goboladda Dalka oo dhan iyo Cirifyadda Aduunka, Iyadoo la leeyahay:- 

*Maya Gumeeysiga. 

*Maya Qabsashadda Dalkeena Qaaligga ah. 

*Maya Tacaiyada Iyo Xasuuqyadda Ciidanka Gumeeysiga Iyo Xulufadiisa Khaayiniinta ah. 

*Maya Fara-Xumeeynta Haweenka Somaaliyeed(Gobta ah). 

* Maya Karaamo Dhaca Iyo Ku Tumashada Sharafta Somaaliyeed. 

*Maya Khaayiniinta Iyo Adeegayaasha Gumeeysiga Itoobiya. 

*Maya Rajiimka Faashilka ah Iyo Hogaankooda Muransan. 

*Maya Dagaal Oogayaasha, Xasuuqayaasha Iyo Qabyaalad ku Dhaqmayaasha Damiirka laheyn. 

*Maya oo Maya/Walaahi Maya Heeryadda Gumeeysigga. 

 Xassan Carab

Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)

Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda, Midnimadda Iyo CadaaaddaEngland

-UK-28/10/2007

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: