Mudaaharaad aad u ballaaran oo lagu Taageerayay Diinteena Barakeysan ee Islaamka oo shalay ka dhacay Magaala madaxda Oslo, Norway.

Sawira badan hoos ka daawo

Halkaan ka akhri

  Banaanbax balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen Urururada Muslimiinta ku dhaqan Dalka Norwey ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Oslo ee Caasimada Dalka Norwey.

Muslimiintan oo ka mudaaharadeeyay dacaayadaha ay Reer Galbeedku ka fidiyeen Diinta Islaamka iyo aflagoodiyin mudooyin loo geystay Nebi Muxamed (CSW) ayaa Booliiska Dalka Norwey ku qiyaasay 3500 oo Qofood oo badankood ahaa Soomaalida Wadanka ku dhaqan.

Dadweynahan oo aad u qiireysnaa kuna dhawaaqayey ereyo lagu amaanayo Diinta Islaamka,ayaa hadaladii ay ku dhawaaqayeen ka mid ahaa (Diinta Islaamku waa Diin nabadeed) (Nebi Muxammed waan jecelnahay) (Alahu Akbar) (Dacaayadaha Saxaadaha Reer Galbeedku Diinta Islaamka ka fidinayaan waa Been la soo dhoo-dhoobay) iyo ereyo badan oo aan halkaan ku soo koobi-karin.

Wejiyada banaan-baxayaasha oo aad u soo jiitay dareenka Dadweynihii daawanayey ayaa socod dhoolatus ah ka bilaabay barxada Gronland,ilaa iyo Xarunta Baarlamaanka Dalka Norwey iyagoo dib oogu soo noqday markii dambe goobtii ay markoodii hare ka bilaabeen Mudaaharaadka ee Gronland Train Stationka.

Muslimiinta ka soo qeyb-gashay Mudaaharaadka iyo Saxaafada Dalka Norwey ayaa markii oogu horeeyay qiray inaan la dhayalsin-karin sida ay iskuugu xiran-yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadankan,kadib markii ay muujiyeen inay yihiin Dad ay daacad ka tahay jaceylka ay u qabaan Diinta Islaamka,sababta oo 85% Muslimiintii mudaaharaadayey Soomaali ayey u badnaayeen.

Shabakada Calanka.com oo lagu marti-qaaday Mudaaharaadka ayaa waxyaalihii oogu yaabka badnaa ay la kulantay ahaa,kadib markii aan aragnay Caruur u dhalatay Dalka Norwey oo ku dhawaaqaya (Alaahu-Akbar).

Godo-Godo

tiibo_talyaani@hotmail.com

Sourse Calanka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: