Dagaala xoogan oo weli kasoconaya Xaafadaha Muqdisho, Iyadoo Saldhiga Howl-wadaan ay lawareegeen Muqaawamada.

Saldhigga Howl-wadaag 

Sawirada hoos ka daawo

Halkaan ka akhri

Ciidamada Muqaawamada ee ka soo horjeeda dowladda KMG Somalia ayaa la wareegay gacan ku heynta saldhigga degmada Howl-wadaag, iyadoo halkaasi xoog looga saaray ciidamada booliska dowladda KMG ah ee Somalia, sidoo kale waxaana ka dhacay halkaasi Bannaanbaxyo ay sameeyeen dad careysan oo ka soo horjeeday ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, waxaana halkaasi ka dhacay bililiqo iyo boob loo geystay saldhigga.

Dagaala xoogan oo saakay ka bilowday agagaarka KPP, Tarabuunka iyo wadada Bangaariyada ayaa waxa ay ku soo fideen wadada wadnaha, iyadoo xoogagga wax iska caabinta ee ka soo horjeeda dowladda ay xoog kula wareegeen saldhigga degmada Howl-wadaag, halkaasi oo ay dibadbaxyo ka sameeyeen dad careysan oo ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda.

Saldhigga degmada Howl-wadaag ayaa sidoo kale waxaa gudaha u galay dad careysan oo halkaasi ka sameeyay banaanbaxyo, iyadoo sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in la boobay saldhigga.

Waxaa weli soconaya israsaaseyn aad u culcus oo wali laga maqlayo qeybo ka mid ah degmada Hodon oo ay isku hayaan ciidamada dolwadda oo ay lasocdaan kuwa Ethiopia iyo xoogagga Muqaawamada ee ka soo horjeeda.

Dagaaladaan ka soconaya magaalada Muqdisho oo galay maalintii labaad ayaa waxaa barbar soconaya banaanbaxyo rabshado wata oo ay wadaan boqolaal dad careysan ah, iyadoo taayaro lagu gubayo qeybo ka mid ah wadooyinka 30 ka iyo Wadnaha.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayaan halku dhigyo ka dhan ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda.

Wixii kusoo kordha dib ayaanu idinkaga soo sheegi doonaa wararkeena dambe

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

Saldhigga Howl-wadaagban1

%d bloggers like this: