Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia oo abaabulkiisa si aad ah uga socdo magaalada Muqdisho.

bannaanbax1.jpg

Halkaan ka akhri

Muqdisho Axad (Somaliswiss) 28.10.2007 

Banaanbixii ugu weynaa, ugana balaarnaa ee looga soo horjeedo Joogitaanka iyo tacadiyada xusuuqa ah ee ay ka wadaan ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaa  la wadaa bannaanbaxyo abaabulkooda heer Sare ah ee lagu doonayo in bulshada ku dhaqan maagaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya ay sameeyaan maalmaha soo socdo.

War aan ka helnay  Wakiilka Somaliswiss ayaa sheegaya in mudaaharaad ka dhacay  magaalada Muqdisho maanta uu berrina la filayo mid ka ballaaran ka dhici doono, wuxuuna sheegay in banaanbaxan ay soo abaabuleen Ururada bulshada rayidka ah ee ka jira magaalada Muqdisho.

bannaanbax3.jpg

Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayey goomaha lugaha baabuurta ee la gubay, inkastoo ay rasaas xooggan ku kala eryayeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiyaanka, hase ahaatee dibadbaxyadan ayaa maanta waxay ka dhacayeen goobaha ay ka mid ah sida: Suuqa Bakaaraha, Tarabuunka, KBB, Black Sea, NBC, Shiirkole iyo goobo kale oo Muqdisho ka mid ah, iyagoona saameyn balaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee meelaha qaar iyo isku socodkii dad weynaha iyo gaadiidka ee Caasimadda inteeda badan.

Banaanbaxan oo ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ku muujin doonaan sida ay marnaba raalli  uga ahayn joogitaanka Ciidamada Itoobiya gudaha dalka Soomaaliya, ka dib markii loo adkeysan waayey ficillada dhaqan xumida ah ay kula kaceen bulshada deggan Muqdisho.  

Bannaanbaxan oo dhici doono Saacadaha soo socda oo diyaargarow ballaaran u galeen inta badan bulshada ku dhaqan Muqdisho ayaa noqonaya mid dadku ay dareenkoodu ka muujin doonaan in ay si isku duubni ah u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya oo billaabay dilal & xusuuq ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, gaar ahaan Culimada iyo Iimaamyada Masaajidada ku yaalla magaalada Muqdisho. 

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

 Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: