Bannaanbaxyo aad u waawey ayaa maanta hareeyay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaala xooganna ay kasocdaan xaafadaha qaar.

ban3 

Hoos ka daawo Sawira badan

Halkaan ka akhri

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG, ayaa rasaas xooggan ooda uga qaaday Boqolaal Dibadbaxayaal ah oo maanta banaanbaxyo rabshado wata ka dhigay Caasimadda.

Bannaanbaxayaasha oo ku dhawaaqayey Towxiidka Alle  ayaa wadooyinka waaweyn ee Magaalada ku gubayey Taayero, inkastoo ay rasaas xooggan ku kala eryayeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia.

Wadooyinka qaar ayaa lagu arkayay dad weyne caro ka muuqata, isla markaana oo ku qeylinaya ereyo ay ka mid yihiin “Gaalo raac doonimeyno” iyo kuwa kale, oo ay uga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Ethiopia.

Bannaanbaxyadan ayaa goobaha ay maanta ka dhaceen waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, Tarabuunka, KBB, Black Sea, NBC, Shiirkole iyo goobo kale oo Muqdisho ka mid ah, iyagoona saameyn balaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee meelaha qaar iyo isku socodkii dad weynaha iyo gaadiidka ee Caasimadda inteeda badan.

Sidoo kale banaanbaxaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya haween carruur iyo waliba ardeyda dugsiyada quraanka iyo iskuulaadka kale.

Dadkaan ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo dhan ka ah Ciidamada itoobiyaanka oo ay sheegeen in shalay ay dad rayid ah ku dileen degmada Hodan iyo degmada wardhiigley gaar ahaan xaafadaha NBC iyo Black Sea iyo waliba xamarjadiid.

“Dadka ayay iska gumaadayaan waana iska dhicinaynaa hadii ay taagi noo soo qaataan xitaa ayuu si cara leh u yiri mid ka mid ah Bannaan baxayaasha.

Ciidamada Ethiopian-ka oo aad u hubeysan islamarkaana ay horkacayaan darbaabaadka dagaalka sida taakiyaasha ayaa shalay gudaha u soo galay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay xaqiijinayaan iska horimaadyo xoogan ay la kulmeen xoogaga kas oo horjeeda iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay soo gaareen Ciidamada itoobiyaanka.

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa dib ugu laabtay shalay duhurnimadii fariisimadii ay ka deganaayeen deegaanada ay gudaha u soo galeen sida wasaaradii hore gaashaandhiga ee degmada Hodan iyo waliba deegaanka calikamiin ee degmada wardhiiley.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmal.com

ban1

%d bloggers like this: