Wakiilka QM ee Soomaaliya Mudane Ahmadou Ould oo Mas’uuliyiinta Dowladda Fkmg ah uga baaqay inay xalliyaan Khilaafkooda.

ahmedou-ould-abdallah.jpg

 Halkaan ka akhri

Nairobi Jimco ( SomaliSwiss ) 26.10.2007 

War maanta naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah uu ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya. 

Mudane Ahmedou Ould Abdallah oo Diblumaasiyiin kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in qalalaasaha ka dhex jira Dowladda Federaalka uu yahay mid aan wanaagsaneyn oo sii kordhinaya dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya. 

Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in qalalaasaha ka dhex jira Dowladda Federaalka uu yahay mid aanan caawineynin dadka Soomaaliyeed, isla markaana beesha Caalamka ka dhigaya mid aan dan ka gelin Soomaaliya.  

Baaqa uu ergaygan u jeedinayo Madaxda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo khilaafkooda uu saameeyay Mudanayaasha Baarlamaanka oo hataan bilaabay in ay labada mas’uul la kala saftaan.  

Mudane Ahmadou ayaa  sheegay marka uu ka soo laabtay socdaalkii uu ku tegay Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula soo kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ,balse xal u helidda Khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa waxaa ilaa haatan gacanta ku haya Dalka Itoobiya iyo Dowladda Sacuudiga oo isku dayeyso, lana  filaayo in dhawaan ay kulan u qabato Seddexda Mas’uul ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Somaliswiss Wakiilka Nairobi 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: