Kulankii Barlamaanka KMG oo maanta lagu ballansanaa oo dib loo dhigay, iyo RW. Geedi oo dib ugu laabtay Ethiopia.

barlamaanansixin1.jpg

Halkaan ka akhri

Muqdisho Arbaco( SomaliSwiss )  24.10.2007  

Waxaa maanta dib loo dhigay, kulankii lagu ballansanaa ee ay isugu imaan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Somalia, si ay uga wada hadlaan Mustaqbalka Xukuumadda KMG oo mugdi muran iyo jahawareer soo galay arrimo Dastuuri ee ku saabsan sharci ahaanta Xukuumadda. 

Xoghayaha Barlamaanka KMG, Maxamed Xasan Fiqi, ayaa u sheegay warbaahinta inay socdaan hawlo ay wadaan Waaxyaha Barlamaanka KMG iyo Guddoomiyayaasha Guddiyadda Barlamaanka ku hawlan yihiin Barnaamij-dejinta iyo waxyaabaha  la xiriira Qabsoomidda Kulanka Kalsoonida loogu qaadayo Xukuumadda RW Cali Geedi. 

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi, wuxuu sheegay inuu Xafiiska Barlamaanka u baahan yahay in la helo Ajendayaal qoraal ah, oo ay Xildhibaanadda ka doodi karaan,  maadaama arrinta laga doodayo ay tahay arrin Dastuuri ah oo xasaasina ah. 

Mudane Fiqi, wuxuu intaas ku daray in ay Xildhibaanadda berri ay kulmi doonaan, si ay u wada dhageystaan Moshinka Codka Kalsoonidda loogu qaadayo Xukuumadda RW Cali Geedi. 

Ra’isulwasaaraha dowladda KMg ah ee Somalia, Prof. Cali Max’ed geedi ayaa maanta u duulay dalka Ethiopia.

Iyadoo la sheegay in uu u sii gudbiyo dalka Sacuudiga oo martiqaad u fidiyay madaxweynaha Somalia, C/laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan madoobe iyo RW Geedi, waxaana la sheegay in dowladda Sacuudiga ay dhex dhexaadineyso madaxda sar sare ee dowladda.

SomaaliSwiss Baydhabo 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: