Sheikh Usama Bin Laden oo markii u horeysay Naseexo u diray shacabka dalka Ciraar, gaar ahaan Mujaahidiinta ka dagaalama dalka Ciraaq.

Osama 

Halkaan ka akhri

Tv-ga Aljazeera ayaa sii daayey cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu soo diray Hogaamiyaha ugu weyn Islaamka ee Ururka AL-Qaacida Usama Bin-Laden waxaa uuna cajaladiisa uga hadlay Sheekh Usama Bin-laden arimo badan oo ah sidii ay u midoobi lahaayeen kooxaha Mujaahidiinta ah ee ka dagaalama dalka Ciraaq .

Cajalkan oo si gaar ah ugu socotay Shacabka Ciraaq ayaa hadana waxa ay si caam ah ugu socotay xubnaha Al-Qaacida ee ku sugan dunida caalamka iyo Muslimiinta oo dhan.

Sheekh Usama Binladen ayaa waxaa uu ugu naseexeeyey Mujaahidiinta ku sugan dalka Ciraaq in ay ka dheeraadaan tacsubka nin jeclaysiga iyo khilaafka taas oo ka faaiidaysanayo Cadawga Islaamka waxa uuna amaan u soo jeedshay mujaahidiinta Ciraaq oo naf iyo maalba huray sida ay isaga caabin lahaayeen ciidanka ku soo duulay ee qabsaday.

Sheekh Usama Bin-laden ayaa waxa uu ku booriyey kooxaha ka dagaalama Ciraaq in ay midoobaan wixii khilaaf ahna u ceshaan kitaabka alle iyo sunada Nabiga iyaga oo kaashanaya Culumo saadiqiin ah.

Hogaanka Muslimiinta ayaa waxa uu sheegay waxa isku xira Islaamka in ay tahay Caqiido aysan ahayn maslaxo gaar ah ,Jamaaco,iyo wadani nimo waxa uuna sheegay in Maslaxada Jamaacada laga hormarinayo tan Caamka ee Islaamka.

Usama Bin-laden ayaa waxa uu qiray in ay galeen kooxada Al-Qacida khaladaad isaga oo ugu baaqay Odayaasha Qabaa,ilka iyo Hogaanka Jamaacaadka Islaamka ee Ciraaq in kaashtaan culumo saadiqiina kuna dadaalaan in ay midoobaan.

Khaladaadka uu Binladen xusay waxaa ka mid h in xubnaha qaar ay aad ugu tacasubaan awaamirka hogaankooda taasna ay tahay mid qaldan waxaana macsuum ah rasuulka Maxamed NNK ayuu yiri Bin Laden.

Sheekh Usama ayaa sheegay in ruuxa Mujaahidka ah uu ka dhacy khalad sida kan salaada tukada iyo axkaamta kale loogu qaldamo loona baahan yahay in loo hogaansamo sharciga alle lagana fogaado tacasubka.

Ugu danbeyntii ayuu Sheekh Usama Bin-laden waxa uu uga digay kooxaha Mujaahidiinta kuwa raba ina ay fitno iyo khilaaf dhex dhigaan iyaga oo u tacasubaya wadamadooda iyo hogaankooda waxa uuna ku booriyey Mujaahidiinta Ciraaq iyo odayada shaqanka in ay la dagaalamaan kufriga uu hogaansho mareykanka.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: