Professorada Cilmiga Siyaasadda ka dhiga Jaamacadaha Switzerland oo ka faaloodeen Codbixintii Federaalka oo Axaddii ka dhacday Swiss-ka.

xisbi.jpg

Halkaan ka akhri

Zurich Talaado ( SomaliSwiss ) 23.10.2007 

Professorada Cilmiga Siyaasada ka dhiga Jaamacadaha dalkan Switzerland, ayaa ka faaloodeen codbixintii Federaalka ee maalintii Axada ahayd dhacday, waxayna sheegeen in Siyaasadda  Swiss-ka ay wax weyn ka beddeli doonin tan hadda jirta, balse waxay ku xiran tahay hadba sida ay isu raacaan Xisbiyada ama isbaheysi u sameystaan. 

Aqoonyahannada Siyaasadda, ayaa mala awaaley in Barlamaanku miisaankiisa loogu cabsi qabo, inuu noqdo barbar dhac, hase ahaatee ugu dambeyntii ay Axsaabta Midigta  isku raaci doonaan inay gacanta ku dhigaan hoggaanka Siyaasadda ee dalka Switzerland .   

Ku soo noqnoqashada xoogagga Siyaasadeed, ma ahan mid laga dheehan karo lumista codadka Xisbiga midigta fog, balse waxaa codadkaas lagu abaalmariyey Xisbiga midigta dhexe ee helay 29 % dadka codeeyey. 

Axsaabta Bidaxda, waxaa soo gaaray xoogaa qasaara ah, hase yeeshee farqi weyn uma dhaxeeyo Axsaabta Midigta iyo kuwa Bidixda ah, balse miisaanka Barlamaanka waxba iskama beddelaayo.   

Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadanno sida ay codadka u kala heleen Xisbiyada Sannadkan 2007da waa sidatan:-

xisbizada.jpg

1)-  Xisbiga Midnimada Demoqraadiyada Dhexe ( UDC ) oo helay  29,0%

2)- Xisbiga Socialistaha ( P S ) oo helay  19,5%

3)/ Xisbiga Liberalka ( PLR ) oo helay 15,6%

4)- Xisbiga Dimoqraadiyada Shacabka ( PPD ) oo helay 14,6% 

5)- Xisbiga Caqaaran ( Verdi ) oo helay 9,6%. 

Ugu dambeyntii guddiga maamulka Doorashada waxay shaaca ka qaadeen in sannadkan 2007da  ay u soo baxeen 48.8 % dadka xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan. 

SomaliSwiss Zurich 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: