Meles Zanawi oo sheegay inuusan kala soo bixi doonin ciidamadiisa gudaha dalka Soomaaliya, haddii…?

Meles

Halkaan ka akhri

Ray’isul wasaaraha Itoobiya oo xalay kulan la yeeshay ergeyga qaaska ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan aysan diyaar u ahayn in Ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya maadaama buu yiri aysan muuqan dadaalo Ciidamada Midowga Africa ay ku imaanayaan Soomaaliya oo ay ku bedelayaan kuwa itoobiya.

Kulan ay wada qaateen wakiilka cusub ee qaramada Midoobay Ahmedou Abdallah iyo Ray’isul wasaraha dalka itoobiya Meles Zenawi oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka itoobiya ayay ka wada hadleen xaalada cakiran ee dalka soomaaliya uu haatan kujiro.

Meles ayaa sheegay in aysan xiligaan suura gal ahayn in Ciidamada itoobiya ay ka baxaan dalka Soomaaliya isagoo arrintaasi sabab uga dhigay in xaalada soomaaliya ay meel xun marayso islamarkaana ay markii hore u galeen soomaaliya cabsi ay ka qabaan golihii Midowga maxaakiimta islaamiga.

Meles aaya waxaa uu sheegay in hadii ay soo dhamaystirmaan Ciidamada ka socda Midowga Africa ee la qorsheeyay in ay soomaaliya yimaadaan markaasi ay suuragal tahay in Ciidamadooda itoobiya ay dalka soomaaliya kala baxaan.

Ciidamada Amisom ee ka socda dalka Uganda ayaa waxaa ay haatan kusugan yihiin Magaalada Muqdisho kuwaas oo gaaraya 1700 oo askari.

Raysal wasaaraha itoobiya kama uusan hadlin haba yaraateen xaalada adag e haysata shacabka Soomaalida ah ee ka barakacay dagaalada Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ergayga qaaska ah ee Q.M ee soomaaliya Ahmedou Abdallah ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan magaalada Addis Ababa uu kulan kula qaadan doono madaxda Midowga Africa waxaana Ahmedou Abdallah uu sheegay in mas’uuliyiintaasi uu kala hadli doono sidii loo dardar galin lahaa Ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya nabad ilaalinta loo keenayo.

Midowga Africa ayaa waxaa ay daraaseeyeen in Ciidamo 8000 gaaraya oo ka socda dalalka African ka ah la keeno wadanka Soomaaliya si ay xal waara ugu soo celiyaan dalka dhibaatooyinka dagaal ay ragaadiyeen ee soomaaliya.

SomaliSwiss Wakiilka Addis Ababa

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: