Madaafiic is daba joog ah oo caawa Magribkii lagu qaaday Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

war degdeg ah 

Halkaan ka akhri

Hoobiyeyaal is daba joog ah oo gaaraya illaa 15 Madfac ayaa lagu weeraray dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, qasaara xooganna geystay.

Weeraradaan Hoobiyaasha ah ayaa bilowday salaadii maqib saacadda markey aheyd 18:10 ayaa waxa ay ku dhaceen gudaha iyo agagaarka dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo codsaday in aan la magacaabin ayaa Shabelle u sheegay in hoobiyeyaal ay ku dhaceen gudaha dekedde, sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha dekedda oo Shabelle ay la xiriirtey ayaa waxa ay inoo sheegeen in ilaa 5 hoobiye ay ku dhaceen gudaha dekedda halka kuwo kale ay u gudbeen badda.

Weli lama sheegi karo qasaaraha soo gaaray maraakiibtii ku xirneyd gudaha dekedda, iyadoo hoobiye yaal ay ku dheceen gudaha dekadda iyo dhufeysyo ku yaalay gudaha dekedda oo ay daganaayeen ciidamada Uganda.

Goobjooge ku sugan gudaha dekedda ayaa sheegay in ay jiraan qasaare xoogan balse aan laxaqiijin karin inta uu la egyahay iyo sdia dhabta ah ee ay wax u jiraan.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: