Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere:- “dadka ku jira xabsiyada Muqdisho waa in 48 saac gudahood maxkamad la soo taago,”

amin136 

Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso codka Gud. Gob. Banaadir M/ Dheere 

Guddiga amniga qaranka Gobolka Banadir ayaa maanta ugu baaqay hay’addaha garsoorka inay maxkamad soo taagaan dadka faraha badan ee ku jira xabsiyada Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in maxkamada la soo tago dadka fara badan ee kujira xabsiyada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gogbolka Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere ayaa maanta si cad u sheegay in loo baahan yahay in maxkamad sharci ah la soo taago dadka ku jira xabsiyada caasimada Muqdisho kuwaas oo ay ka mid yihiin dad aan wax dambi lahayn.

Shir jaraa’id oo maanta Maxamed dheere uu ku qabtay xarunta maamulka Gobolka Banadir ayaa waxaa uu u qabtay in dadkaasi 48 saac gudahood la soo taago maxkamad si loo kala saaro kuwa dambiilayaasha ah iyo kuwa aan waxba galabsan ee Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ay iska soo xireen.

Mar uu ka hadlayay Maxamed dheere xirnaanshaha madaxa hay’adda WFP ee Muqdisho Idiris Maxamed Cusmaan waxaana uu sheegay Guddoomiyuhu in hadii aysan wax dambi ku cadaan Mas’uulkaasi la sii dayn doono.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir ayaa waxaa uu sheegay in arrintaan ku aadan in maxkamad la soo taago dadka xabsiyda ku jira looga gol leeyahay sidii loo kala saari lahaa dadka falal dambiyeedyada lagu hayo iyo kuwa aan lagu hayn ee la iska xiray.

Si kastaba ha ahaatee xabsiyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhex ceegaaga dad aad u fara badan kuwaas oo inta badan laga qabtay goobaha ay ka mid yihiin masaajida goobaha ganacsiga iyo waliba qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Heesta Maanta Scabka ii tuma

%d bloggers like this: