Baarlamaanka Baydhabo oo maanta isku raacay in codka kalsoonida loo qaado Dowladda Ra´isal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Baydhabo 

Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso codka Gudoomiyaha Baarlamaanka 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo waxaa ay isku raaceen in ajandaha baarlamaanka uu noqdo qodobka dastuuriga ah ee khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda KMG ah ee Somalia.

Cod qaadista baarlamaanka ayaa ka dambeysay kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka sheikh adan Madoobe oo dhagaystay doodii xilibaanada ee ku aadanayd kala doorashada labada qodob ee ahaa in la sii wado la xisaabtan ka xukuumada iyo in laga hadlo qodobka khilaafka dastuuriga ah ee u dhaxeeya dowladda KMG ah ee Somalia.

Kadib fikrado is burinaya iyo dood dheer ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu cod u qaaday labada qodob isagoo u arkayay in xalku uu ku jiro.

115 mudane ayaa u Codeysay in laga hadlo arrinta khilaafka dastuuriga ee ku aadan in xukuumada cod loo qaado maadaama ay ku guul daraysatay meel marinta dastuurka.

23 ayaa ogolaatay in la sii wado la xisaabtanka xukuumada KMG ah ee soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu baarlamaanku ka hadlayay halka Guddoomiyihu uu sheegay in 5 ruux ay ka aamustay 80 mudanayaalna ay fasax la’aan baarlamaanka isaga baxday taasoo tirada isku geynta Guddoomiyaha uu kad higay in 85 mudane ay ka aamuseen.

Ajandaha ka hadlida khilaafka xoogan ee ka dhex taagan Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia iyo Ray’isul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa noqonaya hada wixii ka dambeeya midka baarlamaanka u yaala, iyadoo inta badan hadalheyntu ay tahay waxa laga fili karo baarlamaanka.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Heesta Maanta Scabka ii tuma

%d bloggers like this: