Prof. Cali Geedi oo doonayo inuu is-beddel ku sameeyo Siyaasaddiisa, sheegayna in Ciidamada Dowladda ay qaab qabiil ku shaqeynayaan, Shacabka Muqdisho uga baaqay inay iska celiyaan.

geedi2.jpg

                               Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso khudbaddii RW Cali Geedi 


Ra’isal Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la soo baxay hab cusub ee uu ku doonayo inuu is beddel ugu sameeyo Siyaasadiisa, wuxuuna u muuqdaa nin haysto ballaan qaadyo iyo taageero Siyaasadeed Gudaha iyo Dibedda, waxaadna moodaa qof hadda waaga u baryey, waayo hadallada ka soo guuxaya maskaxdiisa iyo baaqyada uu ugu baaqay guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Muqdisho in ay ka hortagaan qaar ka mid ah Ciidamada dawladda oo ku shaqeeyo qaab qabiil, dhacna u geysta dadka rayid ka ah, ayaa ah mid cusub oo laga dheehan karo is-beddelkiisa .

Ra’isal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa shacabka Muqdisho ay kasoo gaareyso cabasho Cusub oo ku aadan hab dhaqanka Ciidankaasi hayeeshee waxaa uu sheegay shacabka in ay xaq u siinayaan ka hortagidda kooxahaasi.

”Shacabka Muqdisho maahan dad aan awood laheyn,waxaana ay xaq u leeyihiin in ay ka hortagaan Ciidamada dharcadka mise kuwa Uniform-ka dawladda xiran ee hab beeleedka ku shaqeeya”sidaasi waxaa yiri Ra’isal Wasaare Geedi oo shalay hadal ka jeediyay qado sharaf uu u sameeyay Xildhibaano katirtsan Baarlamanka.

Hadalka Ra’isal Wasaaraha aya kusoo aadaya xilli Ciidamada dawladda KMG ay dhibaato lixaad leh ku hayaan shacabka Muqdisho iyagoona dhac iyo handadaad u geysta isla markaana mararka qaarkood iska afduubta.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: