Kusimaha guddoomiyaha shabakadda warbaahinta Shabelle Bashiir Nuur Geedi oo xalay la dilay, iyadoo Maantana lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Shabelle

Halkaan ka akhri 

Mas’uul ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ayaa galinkii dambe ee shalay lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii dhowr xabadood lala beegsaday, sida uu Idaacadda Simba u xaqiijiyay ku-simaha Idaacaddaasi Shabelle Jacfar Max’ed Kuukaay.

Allaha u naxriistee Bashiir Nuur Geedi, oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Shabakadda War-baahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dilkiisa u bareeray Kooxo hubeysan oo aan wali la aqoonsan, kuwaasoo Bastoolado ku hubeysnaa, waxaana Marxuumka la dilay xilli uu hor fadhiyay agagaarka Gurigiisa.

Falkaasi naxdinta leh kadib ayaa waxaa gabi ahaanba hakad la galiyay barnaamijyadii kala duwanaa ee ka baxayay Idaacadda Shabelle, iyadoo shaqaalaha Shabakadda Shabellana ay sheegeen in arrimahaasi illaa iyo mudo ay socon doonaan.Hadaba, Ehelada Asxaabta iyo inta kale ee uu ka geeriyooday Bashiir Nuur Geedi, waxaa tacsi tiiraanyo leh u diraya Madaxda Jaaliyadaha Soomaalida Switzerland iyo dhammaan Shaqaalaha Idaacadda iyo Websiteka SomaliSwiss, waxayna leeyihiin samir iyo iimaan Allaha idinka siiyo.

Dhowaan ayay aheyd markii labo mas’uul oo ka tirsanaa Idaacadda Hornafrik dil loogu geestay gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo falalkaasi ay si weyn uga xumaadeen Saxaafada Soomaalida iyo tan Aduunkaba.

Kusimihii guddoomiyaha shabakadda warbaahinta Shabelle Marxuum Bashiir Nuur Geedi ayaa maanta lagu aasay qabuuraha KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Warbaahinta, ganacsato, culuma udiin, odayaal iyo eheladiisa.Marxuumka ayaa janaasada lagula dukday gurigiisa iyo goobtii lagu aasay, iyadoo dadkii ka qeyb qaatay aaska ay si weyn uga murugeysnaayeen geerida ku timid Marxuum Bashiir.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: