Abwaanka weyn ee Abshir Bacadle oo Saakay sabab la’aan gurigiisa looga kaxeystay, xabsigana loo taxaabay.

Bacadle

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 19.10.2007

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay saaka kaxeystay Abshir Bacadle hoygiisa oo ku yaal Xaafada Km4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga.

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) ayaa ahaa taageerayaashii ugu tunka weynaa ee Maxkamadihii Islaamiga, dad joogay, markii laga kaxaysanayey gurigiisa ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Kmg ah aysan u sheegin halka ay gaynayaan Abwaanka Abshir Bacadle.

Mudane Abwaan Bacadle ayaa si wayn looga yaqaanaa dalka Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay abwaanada caanka ah ee fara ku tiriska ah ee ku sugan Muqdisho, balse lama oga sababta rasmiga ah ka dambeysay xirigiisa.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: