Taliyihii Ciidamada Booliska ee Xaafadda Arjantiin Kabtan Cabdi Xasan iyo illaaladiisa oo maanta lagu khaarijiyay gudaha xaafada Arjantiin ee Magaalada Muqdisho.

 Somali Police

Halkaan ka akhri

Taliyihii Ciidamada Booliska ee Xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ayaa maanta lagu dilay gudaha xaafada Arjantiin, iyadoo ay toogteen Niman baastoolado ku hubeysnaa.

Taliyahan geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Kabtan Cabdi Xasan, sidoo kalena waxaa taliyaha lala dilay laba ka mid ah Ilaaladiisa oo iyaguna halkaasi kunafwaayay..

Raggii dilay Taliyahaas iyo ilaaladiisa ayaa lasheegay in ay baxsadeen kadib markii ay dileen taliyaha iyo laba nin ee ilaaladiisa aheyd.

Shalay ayay aheyd markii Gudoomiyihii degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, uu ku geeriyooday qarax miino oo wadada luugu aasay Baabuurkii uu saarnaa, kaasoo marayay agagaarka Saldhigga degmadaasi Yaaqshiid.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: