Munaasabadda maalinta Ciid al Fidriga oo si weyn looga Ciiday Magaalada Zürich ee wadankan Switzerland.

zurich2.jpg 

Halkaan ka akhri

Zürich Sabti (SomaliSwiss) 13.10.2007

Munaasabadda Ciida ayaa maanta si wayn looga dareemay Caasimada Muqdisgo iyo Gobolada dalka oo dhan.

Waxaa maanta Muslimiinta ku nool dalka Switzerland Magaalooyinka waaweyn oo idil si weyn looga dabaaldegay ciidul fitriga sida Magaalada Berna, Zürich, Jeneve iyo kuwa kaleba.

Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saaka u dareereen degmada Bülach halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu tugto Salaada Ciidul Fitriga, sidaas awgeed, Muslamiin Kanton Zürich iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayaa si farxad iyo reynreyn ah ugu wada ciideen goobta loogu talagay inay ku kulmaan.

zurich1.jpg

Caruurta ayaa waxaa loogu talagalay meel si xurnima ah ugu cayaaran, waalidiinta iyaguna la ciyaareen caruurtooda, waxaa goobta kulanka Ciida la keenay qalabka ay caruurta ku ciyaaraan, meelo laga cunteeyo, waxaana goobta laga soo tagay Galabnimadii.

Maamulka Sare Muslamiinta Kanton Zürich ayaa ugu mahad celiyeen dadkii ka soo qayb galay iyo kuwii gacan ka gaystay isku dubarridka Barnaamijka Ciidul Fitriga, waxayna u rajeeyeen in sandkan, sanadkiisa si caafimaad ah ku gaaraan dhammaan Muslamiinta meel kasta ay joogaan.

SomaliSwiss Zürich

W.Q Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: