Idaacadda madaxa bannaan ee Simba oo maanta dib hawada ugu soo laabatay, kadib markii shalay ay Ciidmada Dowladda Albaabada isugu dhuteen.

Simba 

Halkaan ka akhri

Idaacadda madaxa bannaan ee Simba oo maanta dib hawada ugu soo laabatay, kadib markii shalay ay Ciidmada Dowladda Albaabada isugu dhuteen.

Idaacadda Simba ayaa maanta dib hawada ugu soo laabatay, kadib markii ay shalay Ciidamada Dowladda KMG ah ay albaabada isugu dhuftee Idaacadaasi.

Shalay ayeey aheyd markii ay albaabada u laabeen Ciidamada Dowladda KMG ah, iyagoo halkaasina ka kaxeystay Agaasimaha Idaacadda Simba, oo lagu magacaabo C/llaahi Cali Faarax (Catoosh) oo ay ciidamadaasi xoriyadiisa ka qaadeen, iyadoo maantana ay xoriyadiisa dib ugu soo celiyeen, hasa ahaatee waxaa wali u xiran dowladda KMG ah Weriye Maxamed Faarax (Talyaani) oo isagu illaa iyo hadda aan lasoo deyn.

Idaacadda iyo shaqaaleheeda xiritaankooda ayaa lagu macneynayaa in ay Idaacaddu wareysiya badan ka qaaday Sheekh Abuu-Mansoor oo ah Afhayeenka Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.

Si kastaba ha ahaatee waxaan wali faah faahin laga bixinin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in Idaacadda Simba, oo kamid ah Idaacadaha badaxa banaan, isla markaana dhex dhexaad ka ah arrimaha dalka Somalia in ay xarigan muteysato.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: