Qarax aad u xoogan oo ay dad ku dhinteen oo saaka barqadii ka dhacay magaalada Kismaayo.

isbiimeen.jpg

Halkaan ka akhri

Kismaayo Arbaco (SomaliSwiss) 10.10.2007

Wakiilka SomaliSwiss ee Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in maanta 3 qof ay ku geeriyootay, 9 kalena ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo ka dhacay Xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo, iyadoo qaraxanina uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo aheyd noocyada meelaha fog laga hago.

Qaraxan ayaa sida la sheegay lala beegsaday Gaari uu saarnaa Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Mudane Maxamed Cali Shire, balse nasiib wanaag uu qaraxaasi wax ka soo gaarin.

Qaraxaan ayaa waxaa la rabay in lagu khaarajiyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Magaalada ee Kismaayo oo lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyey dilkii 2 wadaad oo lagu khaarajiyey Magaalada Kismaayo.

Gaariga la bartilmaamsadey ayaa waxaa iska lahaa Maareeyaha garoonka diyaaradaha walow uusan la soco marka qaraxu uu qabsaday .

Gaariga Maareeyaha garoonka diyaaradaha ayaa waxaa la socday Afhayeenka Beesha Sade ee Magaalada Kismaayo Xasan Dheere oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Dadka Qaraxa ku dhintay ay ahaayeen Dad rayid ah oo ku sugnaa Goobta Qaraxa ka dhacay oo ahayd goob Suuq ah oo ay Dadku ku badnaayeen.

Wariyaheena kismaayo ayaa wuxuu ku soo warramay in Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo ay xaaladdoodu ay Howl-wadeenada Isbitaalka Kismaayo ay gacanta ku hayaan daaweynta iyo dhayidda dadka dhaawacmay, balse waxaa la soo sheegay in qaar ka mid ah dadkan uu dhaawacoodu fuduud yahay.

SomaliSwiss Wakiilka Kismaayo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: