Baabuur kamid ahaa Baabuurta Mucaawinada u waday Hay´adda UNDP oo lagu afduubay Magalaada Gaalkacyo.

Gaalkacyo2

Halkaan ka akhri

Baabuur u rarnaa Hay,adda UNDP ayaa afduub loogu geystay magalada Gaalkacyo, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ay ka danbeeyeen afduubka baabuurkan qaar ka tirsan Ciidamada Booliska Gaalkacyo.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in saakay ciidamada booliska magalada Gaalkacyo ay kaxaysteen gaari u rarnaa Hay´adda UNDP gaarigaasi oo ay saarnaayeen mucaawino loogu tala galay dadka iyagu ku tabaaleysan Gobolka Mudug.

Ciidamadaan gaariga kaxaystay ayaa sida lasheegay ka cabanaya mushahar la´aan iyagoo aan in muddo ahba qaadan wax mushaar ah bilihii lasoo dhaafay oo dhan, waxaana jira wada hadal u socda maamulka gobolka iyo talisa ciidamada Boliska.

SomaliSwiss Xafiiska Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: