Ra’iisal wasaaraha Dowladda KMG Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo.

geedi4.jpg 

Halkaan ka akhri

Baydhabo (SomaliSwiss) 09.10.2007

Ra’iisal wasaaraha Dowladda KMG Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta golaha baarlamanka Soomaaliya, iyadoo halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda sar sare ee Dowladda KMG ah.

Booqashada Ra’iisal wasaare Geedi ayaa ku soo aaday maalin kadib markii madaxweynaha Dowladda KMG C/llaahi Yuusuf Axmed uu gaaray magaalada Baydhabo xilli khilaaf xoogan labada masuul ka dhaxeeyo.

Diyaarad uu la socday ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa gaartay magaalada Baydhabo ayadoo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda KMG ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Prof Geedi ayaa kulamo gaar ah la yeelan doono xubnaha labada gole ee Dowladda KMG si kalsooni oo ugu raadiyo xukuumadiisa hadii ay dhacdo in cod kalsooni ah loo qaado ayadoo ay soo baxayan warar sheegaya in madaxweynaha damacsan yahay in uu xilka laga qaado ra’iisal wasaaraha.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: