Bannaanbax rabshado wato oo ka dhacay magaala Madaxda dalka Switzerland ee Berna.

disordini1.jpg 

Halkaan ka akhri

SomaliSwiss VideoHalkaan ka daawo Video-ga qeybta 1 koowaad

SomaliSwiss VideoHalkaan ka daawo Video-ga qeybta 2 labaad

Berna Isniin (SomaliSwiss) 08.10.2007

Maalintii Sabtida ahayd Ciidamada Boliiska ee Berna, waxay ilaalinayeen nidaamka bannaanbaxa lagu horsameynayay Baarlamaanka Swiss-ka hortiisa, Banaanbaxa ayaa ahaa mid rabshada watay, bannaanbaxan ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan illaa 26 qof, waxaana lagu gubay illaa afar baabuur oo yaalay goobtii lagu dhigayay bannaanbaxa, hase ahaatee ciidamada Boliska kuma filneen iney wax kaqabtaan banaanbaxa dhibaatada geystay, sidaas waxaa yiri Mas-uulka Boliiska Federaalka ee Kanton Berna Mudane Markus Meyer.

Mas-uulku wuxuu intaa ku daray in sanadka 2008da koobka lagu qaban doono Austria iyo Switzerland, marka ay kooxaha kubbada cagta ay ku cayaarayan magaalo ka mid ah federaalka Swiss-ka, Boliiska degmadaas waxay kaalmo ka codsataa Boliiska kantoonada kale, si ammaanka loo dhowro, sidaas waxaa caddeeyey Mudane Markus, asagoo ka hadlayey Radiyaha DRS, sidaas darteed, waxaa dhacdadan sabab u ah ciidanka oo yaraa, taasina waa ceeb soo gaartay boliiska Berna.  

Boliiska ayaa waxay wadaan inay ku soo oogaan dacwad ka dhan ah Xisbiga UDC oo malintii Sabtida ahayd dhigay ama sameeyey bannaanbax rabshado wata oo keeney burbur iyo dhibaato xooggan, sidaas waxaa sheegay Codbaahiyaha Boliiska Mudane Franz Marki .

Mudane Marki wuxuu shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socdo la sheegi doono heerka waxyeelada burburka halkass ka dhacay, si kasta ha ahaatee dadkii dhaawaca ahaa ayaa ka soo baxay Isbitaallada, waxaa weli socda muranka dhacdadan,  balse Boliiska waxaa ka go’an inay soo caddeyso sida ay wax u dhaceen.

dhanka kale shirkadda BEL ayaa sheegtay inay aragtay baabuurtii ay burburiyeen iyo kuwii la gubayba, waxayna qoraal u gudbisay madaxda sare ee magaalada Berna, balse qasaaraha ayaa si ku meel gaar ah lagu qiyaasay lacag kor u dhaaftay 100.000 Frs (Boqol kun oo Frs).

Sidoo kale waxaa dhacdadan ka hadashay Madaxweynaha Konfederaalka Marwa Calmz-Rey, waxayna sheegtay inay aad ugu walaacsan tahay sawirka Swiss-ka laga qaadanayo Siyaasadda dibedda, waayo rabshadaha iyo nidaam xumidda dhacday waa wax aan looga baran bulshada Swiss-ka, balse waxaan filayaa in Safiiradeennu ay dhinaca wanaagsan ugu micnayn doonaan caalamaka.   

SomaliSwiss Xafiiska Zurich 

somaliswiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: