Ciidamo fara badan oo si aad ahna u tababaran, oo xoog kula wareegay gacan ku heynta Degmada Bu’aale.

ciidantababar.JPG

Halkaan ka akhri

Bu’aale Axad (SomaliSwiss) 07.10.2007

Ciidamo ka tirsan Maxaakimta Islaamka Somaliya oo uu hogaaminayo Masuulka dhinaca gaashaan dhigga ugu qaabilsan Isbaheysiga Xoreynta Somaliya ayaa la wareegay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe iyagoona halkaasi saakay gacan ku heynteeda lawareegay.

Dad ka tirsan deegaankaasi ayaa sheegaya in Ciidamadaasi oo ay horkacayaan Masuuliyiin ay kamid yihin Sheekh Yuusuf Indha Cadde ay kasoo tageen dhanka Keymaha Koofurta Somaliya isla markaana ay qabsadeen magaaladaasi.

Dagaaliyahanada Maxaakimta Islaamka ayaa la xaqiijiyay in halkaasi ay ku qabsadeen gaari ay lahaayeen Ciidamada dawlada kaasi oo hub saarnaa sida ay wararka nagu soo gaarayaan inkastoo ay aad u yar yihiin warar faahfaahsan oo kasoo baxa.

Warkan ma ahan mid ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed, waayo waxaa horay u soo baxayey hadlo sheegaya in ciidamo ka tirsan Golihii Maxkamadaha ee uu hoggaaminayo Sheekh Xasan Turki oo ka mid ahaa madaxdii Sare ee Midowga Maxaakiimta ay ku sugan yihiin keymaha iyo deegaano ka mid ah Jubada Hoose, tababarna ku qaadanayeen halkaasi.

SomaliSwiss Wakiilka Jubbooyinka

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: