Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya Asmara oo Caawa soosaaray qodobo muhiim ah oo ay uga hadlayaan dagaalada qaraar ee ka socdo Muqdisho.

Ururka Cusub

Halkaan ka akhri

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku bahoobay Ururka dib U xuraynata Soomaaliya ee dhawaan dhidibada loogu aasay Magaalada Asmara ayaa Caawa soo saaaray qodobo Muhiim ah oo ay kaga hadlayaan dagaalada ka socdo magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo kooxaha Muqaawamada Soomaaliya iyo Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ku soo duulay.

Wuxuu u qornaa sida tan

1.Gubidda Suuqa Bakaaraha iyo is hortaaga dadaalkii wax looga qaban lahaa falkaas cadawtinimada ah waa qeyb ka mid ah falalka foosha xun ee shacbiga Soomaaliyeed lagula dagaalamayo noloshiisa iyo jiritaankiisa ee sida joogtada ah ay u fulinayaan ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa u shaqeeya, Ceeb kuma aha kuwii dadka guryaha ku dumiyey, hantidoodana boobay, Maatidiina barakiciyey dabdeedna ka hor istaagay biyo iyo baadba in la gaarsiiyo inay maanta dab geliyaan suuqii Bakaaraha ee ugu weynaa ganacsiga Soomaaliyeed si loo xididdo calaamadaha nolosha ee ka jiri kara caasimadda iyo dalka intiisa kale, dhidibadana loogu aaso joogitaanka gumeysiga heysata dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

2.Ciidamada Itoobiya ee dalka lagu soo daadgureynayo iyo kala wareegidda hubka Maleeshiyaadkii kooxaha u adeegaya iyo qorshaha ciidamada Itoobiya ku qabsanayaan goobo xasaasi ah oo caasimadda Soomaaliya ka mid ah iyo isu diyaarinta xoogga leh ee ay ku doonayaan inay safka hore isa soo dhigaan waa marxaladii xigtay ee lagu doonayo in dib loogu gumaado intii ka badbaaday xasuuqii lagula kacay Shacabka Soomaaliyeed horaantii qabsashada dalka. Mar haddii uu arrinku sidaas yahay micno ay leedahay ma garanynayno joogitaanka ciidamo lagu sheego in loo keenay ilaalinta nabadda sida kuwa Ugandha ee hadda Muqdisho ku sugan, waana markhaati ma doonto fashilka kuwii ku andacoonayey inay dalka wax ka yihiin.

3.Isbahaysigu isagoo ka duulaya xaqaa’iqdaasi jirta waxa uu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta baabi’inta iyo xasuuqa lala damacsan yahay mar kale in loo geysto shacbiga Soomaaliyeed iyadoo aan wax la iska weydiinin kuwii hore u dhacay iyo kuwa haatan taaganba.

4.Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dalalka caalamka ee nabadda jecel, Ururo gobolleed iyo kuwa dowliga ah inay gutaan mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta shacbka Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo aaladda cadowga dalka ku soo duulay ee ka madax adeygay in uu dhawro dhammaan sharuucda caalamka ee madax bannaanida iyo dhawridda xaquuqda aadanaha.

5.Isbahaysigu waxa uu sidoo kale ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan inay is caawiyaan una gargaaraan walaalahooda tabaaleysan. Sidoo kale waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha samafalka ee gobolleed iyo kuwa dowliga ahba inay taakuleeyaan shacabka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogala dagaalamayo nolosha iyo jiritaanka.

6.Isbahaysiga waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa colaadaha sida qorsheysan looga dhex hurinayo ee ay ka dambeeyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa u adeega kuwaas oo ujeeddada ka dambeysa ay tahay in indhaha caalamka lagaga sii jeediyo dambiyada lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna Isbahaysigu Culumaa’udiinka, Ugaasyada, Boqorada iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqayaa inay kaalintoodii hormuudnimo ka qaataan daminta colaadahaas, bulshadana uga digaan colaadda iyo dagaalada sokeeye kuwaas oo cidda keliya ee ka faa’iideysa ay tahay cadowga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.

7.Ugu dambeyntii Isbahaysigu wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu yeerayaa inay midnimadooda adkeeyaan, cadowga ku soo duulayna meel uga soo wada jeestaan naf iyo maalna uga qeyb qaataan muqaawamada barakeysan si ay u difaadaan diintooda, dadkooda iyo dalkoodaba.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: