Sadex qof oo uu kamid yahay Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Aayatulaah) oo ahaa Ku-xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ayaa maanta lagu dilay suuqa Bakaaraha.

Aayatullaah

Halkaan ka akhri

Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Aayatulaah) oo ahaa Ku-xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ayaa maanta lagu dilay suuqa Bakaaraha isaga iyo nin ay wada socdeen.

Aayatullaah

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, Xeer ilaaliyaha ayaa geeriyooday markii gaari uu watay ay bam gudaha u dhigeen kadibna baastoolado ay dhinacyada kala dheceen rag hubeysan oo iyagu kusoo tala galay dilkooda.

dil

Meydka Aayatulaah ayaa muddo saacado ah dhex yiilay gaarigii lagu dilay, waxaana muddo saacado ah hareerihiisa ka dhacayay rasaas iyo qaraxyo ay is weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo Ciidamo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Marxuum Aayatuulaah ayaa meydkiisa waxaa galabta meesha ka qaaday dad ay ehel yihiin oo u soo gurmaday markii ay ka war heleen dhimashadiisa.

Marxuum C/qaadir Aayatulaahi ayaa ifka kaga tagay gabar uu dhalay iyo hooyadeed, waxaana uu ahaa 43 jir xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore ee Somalia.

Xilligii maamulka Militariga ayaa waxa uu guddoomiye Maxkamadeed ka soo noqday degmooyinka Cadaado, Balcad iyo Buulo Burde oo ka kala tirsan gobolada Sh/dhexe, Hiiraan iyo G/gaduud, waxaana jagada uu la dhintay oo kale uu ka hayay dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay Carte.

Dilka Mas’uulkaan ayaa ka mid ah dilal u muuqda kuwa qorsheysan oo lagu qaado saraakiisha dowladda KMG ah ee Somalia,iyadoo ugaarsiga uu aad ukordhay.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: