Max´ed Xasan Xaad:- Gubashada Suuqa bakaaraha waxaa ka mas’uul ah Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Muqdisho.

xaad

Halkaan ka akhri

Muqdisho Khamiis (SomaliSwiss) 04.10.2007

War naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Golaha Midnimada iyo dhaqanka Hawiye ay soo saaray warsaxaafadeed ay ku caddeynayaan in gubashadii Suuqa Bakaaraha ay masuul ka yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ee degan Wasaaradda Gaashaan dhigga.

„Waxaan haynaa warbixino cadeynaya in dawlada Itoobiya ay masuul ka tahay gubashadii Suuqda weyn ee Bakaaraha isla markaana gantaallo ay ku garaaceen“, sidaas waxaa Saxaafadda u sheegay Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hawiye Mudane Max’ed Xasan Xaad, wuxuuna intaa ku daray in Ciidamada Itoobiyaanka ku soo tuureen Suuqda Bakaraaha 4 Gantaal, ka dib markii Khassre xooggan ka soo gaaray dagaalka dhacay agagaarka Xerada Guulwadayaasha iyo dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

Baaq ay u soo jeediyeen Odayaasha Hawiye Ganacsatadii khasaaraha ka soo gaaray dabkaasi in ay iska samraan, isla markaana ay isaga dul qaataan heeryada gumaysiga, iyagoona ku adkeeyay in aysan marnaba la shaqeyn maamulka la shaqeeya Itoobiyaanka.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: