Dowladda Swiss-ka oo sharci cusub u sameysay Carruutta la Afduubto ama la soo Xado.

caruur-la-afduubay.jpg 

Halkaan ka akhri

Bern, Khmiis (SomaliSwiss) 04.10.2007

Swiss-ka ayaa waxaa ka go’an inay xoojiso difaacdo Caruur, marka laga afduubo Waalidiinta, sidaas waxaa xalay fiidnimadii go’aamiyey Golaha Barlamaanka dhexe ee Konfederaalka, kadib markii la soo hor dhigay Mooshin la xiriira daryeelidda iyo difaaca Caruurta la afduuto, 126 Cod buuxa ah ee aan lahayn wax ka soo horjeeda.

Sidaas ayaa lagu oggolaaday sharciga cusub ee lagu daryeelaya Caruurta,balse sharcigan ayaa laga soo minguuriyey sharciga Caalamiga ee afduubidda Carruuta, hase ahaatee waxaa shrcigan la soo hor dhigi doonaa barlamaanada dowladaha ee Kantoonada dalkan Swiss-ka, si ay iyaguna u aqbalaan ku dhaqan ka sharcigan.

“Dalkeenna waxaa ka dhacaa Sannadkiiba Tobaneeyo Afduub ee loo geysto Carruurta yar-yer, taasoo wal-bahaar iyo argagax ku abuurto Waalidiinta”, Sidaas waxaa hoosta ka xariiqay Marwa Ruth-Gaby Vermot oo ka tirsan Xisbiga Socialistaha,kuna hadlaysay magaca Guddiga arrintan loo xil saaray.

Intii ay socotay dooda sharciga daryeelka Carruurta laga soo xado dal kale, ayaa goluhu.si aad uga hadlay, hase yeeshee taasi waxaa loo daayey Maxkamada Sare ee Federaalka Swiss-ka, iyadaana go’aan ka gaarida iska leh, haddii dib loogu celin lahaa dalkii laga keenay iyo in kale.

Go’aanka dib u celinta waxaa leh Maxkamada, balse caqli gal ma aha in dib loo celiyo ilmo yar, mar haddii uu yimid Ciida Swisska ilaa xal laga helaayana waa in loo dhiibaa qoys xanaaneynaya, gacma furanna ku soo dhawynaya ilmahaas.

SomaliSwiss Zürich

Tarjume: Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: