Ergeyga Qaramada Midoobay ee dalka Burma Mudane Ibrahim Gambari oo maanta la kulmaya Taliska Dalkaas General Than Shwe.

Halkaan ka akhri

Rangoon (SomaliSwiss) 02.10.2007

Sida la wada ogsoon yahay waxaa dalka Burma ka socday bannaanbaxyo loogu soo horjeedo xukuumada Militriga ah, hase ahaatee bannaanbaxyadan ayaa ahaa kuwo ku daatay dhiig, dhimasho iyo dhaawacna keenay, balse waxaa la yaab leh sida Caalamka u dardar geliyey, sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatada ka jirta dalka Burma, gaar ahaan Magaala Madaxda Rangoon .

Cambaareyn xoog badan oo ka yimaaday wadamada Reer Galbeedka, ka dib waxaa Qaramada Midoobay si degdeg ah ugu magacaawday Ergayga gaar ka ah Mudane Ibrahim Gambari ee loo xilsaaray inuu dhax dhexaadin ka gelo arrinta dalka Burma.

Taliska Rangoon General Than Shwe ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay inuu joojiyo gumaadka uu ku hayo bulshda rayidka ah oo si Dimqraadi ah u banbaxayo, Ciidamadana ay si ula kac ah u isticmaalaya hubkooda, Generaalka ayaa aqbalay codsiga loo soo jeediya, sidaas si la mid ahna Mucaaradka la codsaday inay joojiyaan nidaam xumida, iskana xilsaaraan sidii bulshada ay u heli lahayd xasilooni iyo nabad.

Wararka ay soo tebinayaa Wakaaladaha wararka ee Caalamka ayaa sheegaya in maanta uu la kulmay Haweynayda hoggaaminayso mucaaradka Marwa Aung San Soke oo ah gabar uu dhalay Janaraal Ong Soke oo ka mid ah halyeeyidii Madaxbaaninada Burma kaasi oo la toogtay sanadkii 1947 , xiligii kala guurka ahaa, waxayna Aung San Soke xiligaa da`deedu aheyd laba sano jir.

Sanadkii 1960 waxay hooyadeed Dawa Ken Key u la safartay dalka Hindiya xiligaasi oo hooyadeed safiir looga dhigay Hindiya, afar sano ka dib waxay u baxday Jaamacadda Okesford ee London halkaasi oo ay ku baratay Falsafada , Siyaasada iyo Dhaqaalaha Haweynadan ayaa waxaa horay loo siiyey Bilad Nabadeedka Caalamka.

Markii ay dib ugu labatay magaalada Rangoun sanadkii 1988-dii waxa dalkaasi ka dhacay banaanbax balaaran oo kumanaan dad ah ay ka qeyb galeen oo dalbanayay dib u hagaajin dhanka Dimuqraadiyada.

Hadal ay halkaasi ka jeedisay ayay ku tiri “Ma awoodo in aan banaanka ka taaganaado waxa dalka ka dhacaya , waad ogtihiin waxa aan ahay” Inkastoo xisbigeeda uu ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday hadana looma ogalaan in ay isa soo sharaxdo.

Dalka Burma ayaa iminka waxa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan oo lagu dalbanayo isbadalo dhanka Dimuraadiyada , iyadoo todobaadkaani ay ku dhinteen dalkaasi illaa sagaal qof oo uu ku jiray Sawir qaade u dhashay dalka Japan.

War lagu soo qoray Website-ka Mizzima, ayaa sheegay in Ergayga gaarka ah Mudane Dr. Gambari uu booqasho kedis ah ku tagay Suuq weyn oo la isku weydaarsado Badeecadaha ganacsiga ee ku yaalla Xuduudka u dhexeeya Burma iyo Shina-ha, Wofdiga Erhayga Qaramada Midoobay ayaa waxaa wehliyey Wefdi kale oo Reer Burma ah,waxaana berri la filayaa inay wada kulmaan Mudane Gambari iyo Taliska Sare ee Burma.

SomaliSwiss Zürich

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: